“Jiritaanka Somaliland Si Fudud Kumuu Iman Ee Tacab Iyo Halgan Dheer Baa Loo Soo Galay”

0
1043

Axmed Cabdi-dheere oo hoggaanka KULMIYE ah

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee muddada koobani ka hadhay, waxaanu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ku booriyey inay ahmiyada iyo muhiimada kowaad siiyaan Nabadgalyada, oo uu tilmaamay in halgan iyo tacab loo soo galay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa sidoo kale oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya ciida ayaa yidhi “Haddii aynu nahay umadda Muslimiin ah, ALLE waxa uu ina siiyey inaynu ciidno laba Ciidooda, oo kala ah Ciidul Fidriga oo ah Ciida Ramadaan iyo Ciidul Fidriga, oo ah Ciida Carafo, oo ah Ciidan aynu ciidnay, ALLE khayrkeeda ha ina siiye, waxaana inoo soo raaca Maalinta Jimce, markaas Ciidan awgeed waxaan hambalyo u dirayaa Qoyskayga, Madaxweynaha iyo qoyskiisa, Madaxweyne ku xigeenka iyo qoyskiisa, Madaxda Xisbiga  Kulmiye, Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaana ALLE ka baryayaa inuu ciida ciideeda horumar nabad-qab, badhaadhe iyo horumar inagu gaadhsiiyo”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye mar uu baaq u diraayey Shacabka Somaliland ayaa yidhi “Jiritaanka Somaliland si fudud kumuu iman ee tacab iyo halgan dheer baa loo soo galay, iyadoo aanay cidi inaga caawin heerka aynu maanta marayno, oo ah inaynu cagaheena isku taagnay, inaynu horumar dhinac kasta ah gaadhnay, inaynu Nabadeena iyo Amaankeena sugnay, inay Dimuqraadiyadii hirgalinay, inaynu Doorashooyin xor iyo xalaal ah qabsanay, ALLE ha inoo kordhiye, iyadoo aan Beesha Caalamku inaga caawin, wax walba iyo shuruud walba oo dawlad looga baahna weynu dhamaystirnay, oo maanta waxaynu ka horeynaa oo aynu ka wanaagsan nahay Dawladda la aqoonsan yahay, haddii ALLE ka dhigana aqoonsigu uu iska iman doonaa, waxaana xaqiiqo ah in Shacabka reer Somaliland yihiin Shacab isku duuban oo dalkooda jecel, oo nabadooda iyo xasiloonidooda jecel,waana Shacab aad u feejigan, ee waxaan Shacabka leeyahay mar walba isku duubnada”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Qaybtii kaadhadhka Doorashada ee Gobolada dalka oo dhami wey inaga dhammadeen, oo Komishankuna waajibkiisa ayaa gudunayaa, wax yar baa inoo hadhay, Doorashaduna si fiican baynu inoogu dhici doontaa, ee mar walba waxaan leeyahay aynu ilaalino nabadgalyada, guud ahaan Taageerayaasha Xisbiyadana waxaan leeyahay ka dheerada wax walba oo dhib keeni kara”.