Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Digay Dib U Dhac Doorasho

0
651

Picture5Hargeysa(Geeska):-Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag uga hadlay arrimaha doorashooyinka, waxaana uu sheegay in in qaabka ay xukuumadu uga hadlayso arrimaha doorashooyinka ay ka muuqato is-dhex yaac badani, isaga oo tilmaamay in arrimaha doorashooyinka cida loo igmaday ay yihiin komishanka doorashooyinka balse maalin walba ay wasiiro aanay khusaynin arrimaha doorashooyinku ay isu istaagayaan sidii ay amaro iyo xukuno aanay awood u lahayn ay dadka u sheegaan. Waxaana uu ugu baaqay madaxweyne Siilaanyo in uu wasiiradaas uu bulshada ka qabto.

Md:Jamaal Cali Xusseen, ayaa hadalkan ka sheegya mar uu ka hadlaayey kulan ay wada yeesheen axsaabta mucaaradka iyo Madasha Wada-tashigu oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa.

“Maalmahan dawlada iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa  isku laba rogayey arrimaha doorashooyinka oo maalin walba qof ayaa jawaabayey waxaanad moodaysay in uu is dhex-yaac badani ka muuqday. Arrimaha doorashooyinka waxa loo xil-saaray guddida doorashooyinka  iyaga ayaana ka hadli kara, laakiin nimankan wasiirada ah ee shaqaalaha ee aan wax  saamayn ah  ku lahayn arrimaha doorashooyinka in ay maalin walba halkaas isa soo  taagaan oo ay sharci cusub oo iyo xukun cusub iyo wax aan la garanayn dadka ku jaah wareeriyaan  waa wax aan loo baahnayn taasna waxa laga sugayaa madaxweynaha gadhwadeenka u ah inuu aamuusiyo wasiiradan  doc ka yeedhka ah ee ka hadlaya arrimaha doorashooyinka.”.Ayuu yidhi Md:Jamaal Cali Xuseen.

Md:Jamaal Cali Xuseen, waxaa uu sida oo kale uu sheegay in aanay diyaar u ahayn in ay doorashada soo food ka leh ay ku galaan diiwaan galin la’aan, isaga oo carabka ku dhuftay in hore dhibaato badan looga la’ soo kulmay doorashooyinka billaa diiwaan galinta ah, waxaana uu yidhi: “Xeerku waxa uu dhigayaa in la sameeyo doorasho diwaan gelin leh , maantana durtaba waxay keenayaan doorasho bilaa diwaan glin ah ayaanu galaynaa taasna waanu soo aragnay, haddii aad eegto labadii doorasho ee ugu danbeeyey ee la galo midina diwaan gelin ayey lahayd midina bilaa diwaan gelin ah ayey ahayd, doorashadii uu Siilaanyo kursiga ku fuulay diwaan gelin ayey lahayd isaga ayaanu ahaa ninkii u dagaalamayey ee ugu qaylada badnaa, tii kale ee uu isagu sameeyey markii uu xukunka fuulay  waxay noqotay mid bilaa diwaan gelin ah, codkii u dhaxeeyey labadaas doorashana waxa uu ahaa 200,000(Laba Boqol Oo Kun) waynu ognahay doorashadaasna wixii ka dhacay, kanbanigii soo daabacay waraaqihii codbixintana in lagu xukumay inay sameeyeen wax is daba marin halka ay doorashooyinka ka qabteena waxay ahayd Somaliland, haddii aynu ahaan lahayd dawladaha caalamka dawladeenu inay is casisho ayey ahayd laakiin taasi may dhicin walina iyagii ayaa indho adayg la soo taagan.”

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay doorashada galaan, waxaanu xukuumada u soo jeediyey inay umada doorasho u qabtaan waxaanu yidhi “Anagu doorasho ayaanu doonaynaa oo aanu diyaar u nahay, doorasho ayaad xilka ku fuusheen  doorashadii ayaana laydinka doonayaa inaad umadda  u qabataan  haddii aad qaban waydaana umadu way idin arkaysaa, waad ogtihiin dalal badan oo xoog leh ayaa markii ay shacabkoodu gadoodeen  aa’yar oo dhalatay iska tagay, ha moodina in aad xukunka haysanaysaan oo aad xoog ku haysanaysaan  umad ayaa idin dooratay waxaana laydinka doonayaa inaad masuuliyadeedii qaadaan.”

Ugu danbayntiina Jamaal Cali Xuseen, waxaa uu jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Muuse Biixi Cabdi. Waxaana uu yidhi:“Waxaan maqlaayey guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo leh doorashaba yaa doonaya in la galo, adeer tiisa ha ka hadlo anagu dee diyaar ayaanu nahay doorasho doorasho ayaanu doonaynaa cida aan diyaarka u ahayn waa iyaga ragii iyaga loo dhiibay xukunka iyaga ayaa is haya, marka golahoodii dhaxe iyagu ha doortaan oo murashax ha samaystaan dadkuna waa diyaar, markaa garoonka in ay kubada soo galaan ayuunba iyaga laga doonayaa oo anagu dee dirayskiiba wanu gashanahay.”