Jaamacadda Hope Oo Iyadoo Kaashanaysa Jaamacada Gulu Bilaabaysa Waxbarashada PHD

0
595

Hargeysa(Geeska)-Jaamacadda Hope ee xarunteedu tahay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, ayaa bilaabaysa waxbarashada sare ee shahaadada PHD, iyadoo kaashanaysa jaamacadda caanka ah ee Gulu University ee dalka Ugandha.

1

Guddoomiyaha jaamacadda Hope Prof Najiib Sheekh Cabdikariim oo Geeska Afrika u waramay ayaa ku dhawaaqay in jaamacadda Hope ay heshiis rasmi ah la gashay jaamacadda Gulu islamarkaana ay hadda bilaabayso waxbarashada PHD.

Prof Najiib, wuxuu sheegay jaamacadaha Hope iyo Gulu shahaadada PHD ku bixinayaan PhD in peace and security studies, Phd in public health, PhDin development studies iyo PhD in public policy. “Waxa farxad noo ah inaanu umadda u sheegno in jaamacadda Hope ay xarumaheeda Hargeysa iyo Muqdisho ka bilaabayso waxbarashada PHD annagoo kaashanayna jaamacdda kale ee Uganda ee Gulu University.” ayuu yidhi Prof Najiib oo intaas raaciyay in bilowga bisha Oktoobar la iska diiwaangelin doono xarumaha jaamacadda Hope ee magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho ee Somaliland iyo Somaliya.

Wuxuu Prof Najiib sheegay in mudada ay waxbarashada sare ee PhD soconaysaa tahay saddex sannadood oo xidhiidh ah, iyadoo sannadkiiba la qaadan doono laba simister.

Ugu dambayn wuxuu sheegay in isdiiwaangelinta iyo buuxinta shuruudaha laga rabo cidda doonaysa bilowga waxbarashada PhD ay tagi karaan xarunta jaamacadda Hope ee Hargeysa iyo Muqdisho marka la gaadho 1-da bisha Oktoobar.