Jaamacada Edna Oo Hirgelisay Maktabad Casriya

0
614

Picture2Hargeysa (Geeska)-Jaamacada Edna ayaa waxa ay markii ugu horeysay hirgelisay Maktabad casriya oo ku shaqaynaysa aalada Eletaroniga, waxaana Ardayda dhigata dhammaan Kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Edna Aadan University ka heli karaan Maktabadan Casriga ah dhammaan macluumadka iyo kuuliyadaha ay dhigtaan.

Munaasibadii daah-furka Maktabadan Casriga ah ee Jaamacada Edna, oo Shalay lagu qabtay Xarunta Maktabadan, ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Guddoomiyaha Jaamacada Edna Md.  Maxamed Xuseen Mu’adinka, Guddoomiyaha Shirkada Bels Samatar Axmed Barkhad oo ah Shirkada hirgelisay Maktabadan, Hormoodada Kuuliyaddaha kala duwan ee Jaamacada Edna, Macalimiinta, Ardayda iyo marti sharaf aad u tiro badan, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Edna Maxamed Xuseen Mu’adinka, waxaanu ka war bixiyey muhiimada ay maktabadani casriga ahi u leedahay Ardayda, iyo waxyaabaha ay ku soo kordin karto aqoontooda, waaxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waxa aanu ugu talagalaynay inay Maktabadu furnaato galinka hore oo dhan, galinka dambe la furo casarkii ilaa salaada makhrib, ardaygu haddii uu saacadaha yimaado, koorasyada uu danaynayo ee uu qaadanayo Sannadkaas ama Simistarkaas inta uu Computerka galo ayuu ka akhriyi karaa, haddii uu u baahdo Koobi, wuu dalbadan karaa, oo waxa uu odhan karaa ha la ii daabaco buugaas, haddii kalena waxa uu ka akhrisan karaa shaashada Computerka, Maktabadani nidaam ayey yeelanaysaa, Arday aan sidan ID Kaadhkiisa ma soo galayo,Ardayga doonaya inuu wax akhristo waa inuu ID kaadhkiisa wataa”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Jaamacada Edna Maxamed Xuseen Mu’adanka waxa uu sidoo kale kula taliyey Ardayda inay dadaal muujiyaan, oo ay waxbarashada iyo wax akhriska ku dadaalan.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyana munaasibadaas ka hadashay ayaa si xeel dheer uga hadashay qiimaha ay Waxbarashadu leedahay, Maktabadani casriga ah faa’iidada ay ku soo kordhin doonto Ardayda, waxayna kula talisay Ardayda kula dardaarantay inay is caawiyaan, is maqlaan, waxna wada qabsadaan, waxaana ay tidhi “Waxa aan u arkaa fursad weyn oo arday kale oo dhan aad ka ayaan badan tihiin, ha is odhan waa Jaamacadaadi oo adiga ayaa soo horeeyey oo maanta oo dhan fadhi, haddii meel kale ay banaan yihiin waxba kama qabo, oo inanka idin maamuli doonana wuu fadhiyaa, haddii ay fursado banaan yihiin, oo kuraas kale banaan tahay, waxba kama qabo haddii aad saacad iyo laba iyo saddexba fadhido, waayo wuxuun baad baranaysaa, laakiin haddii dad kale sugayaan adiguna saacad iyo in ka badan fadhiday inaad ardaygii kale fursad siiso wey ku qurux badan tahay, waayo Ardaygaasi sida aad tacliinta u jeceshay ayuu isna u jecel yahay.  Waxaan doonayaa nidaam, waxyaabo waanu ka saarnay, Facebook ma geli kartid Google kuguma jiro, ma koobiyeysan kartid, kuma daawan kartid filim, waxaanu idiin galinay oo keliya wixii aad wax ku baran lahayd, oo aanu waliba isku dayi doono mar walba wixii soo kordha in aanu idiin gali doono, Buugaagta halkaas idinku jirtaa kaa lumi mayaan, haddii ay masaxmaan mar kale ayaanu gali doonaa, waxba laguma qori karo, xaashiyo lagama tirtiri karo, waad ogtihiin oo Libareeriga buugaag badan ayaa khasaarta, qaar badan ayaa waxa lagu dul qoraa, buugtadani se waxa ay idiin noqonayaan in sidii ay ku soo baxeen wax ku baran karto”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Shirkada Bels Samatar Axmed Barkhad, oo gacan ka siiyey Jaamacada Edna hirgelinta Maxkabadan casriga ah ayaa isna waxa uu ka xog waramay qaabka ay macluumadkan u tixraaceen, faa’iidada uu leeyahay, iyo qaabka ay Ardaydu isticmaali karaan.