Jaamacada ALPHA Oo Ay Ka Qalan Jabiyeen Dufcadii 4aad Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Shalay Ka Qayb Galay

0
938

Picture2

Hargeysa (Geeska)-Jaamacada ALPHA, ayaa waxa shalay ka qalan jabiyey arday tiradoodu dhan tahay 317-arday oo iskugu jira kuuliyadaha kala duwan ee jaamacadaasi dhigto.

Munaasibadii qalanjabinta ee Jaamacada ALPHA oo si balaadhan loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday Shalay Maansoor Hotel, waxaana munaasibadii qalanjabinta ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha Warfaafinta XIsbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiiro iyo Xildhibaano, Guddoomiyaha Jaamacada ALPHA Cabdiraxmaan Maxamed Maal, Hormoodada, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacada ALPHA iyo sidoo kale waalid iyo marti sharaf.

Guddoomiyaha Jaamacada ALPHA oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey marxaladiihii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay, heerka ay taagan tahay, iyo halka ay hiigsanayso, waxaana uu xusay inay Berbera qayb ka furteen, halka ay Burco-na dhawaan ka furan doonaan, waxaanu tilmaamay in Jaamacada ay ka furayaan Burco inay deeq waxbarasho ka siin doonaan Sagaal Arday oo kala ah Ardaydii ugu sareeysay imtaxaanka shahaadiga ee Dugsiyada sare ee Burco, Arday danyar iyo ardayda laga tirada badan yahay.” Wuxuu intaas raaciyay “Dufcadani waa dufcadii afraad ee Jaamacada ka qalan-jabisa, tiradoodu waxa ay dhan tahay 317-arday oo ka kala tirsan Kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacada, waxa aanu qayb ka furanay Berbera, waxaana dhawaan qayb kale ka furan doonaan Burco, oo waliba waxa aanu doonaynaa in Sagaal Arday aanu deeq waxbarasho ka siino Burco, sagaalkaas Arday oo kala ah  Ardaydii ee ugu sareeyey Burco, Laba Arday oo laga tiro badan yahay, iyoo laba Arday oo Danyar ah”.

Dhinaca kale waxa uu Guddoomayaha Jaamacada ALPHA amaan balaadhan u soo jeediyey Guddoomiyaha guud ee Jaamacada ALPHA, oo uu sheegay inuu aad ugu qushuucay qaab dhismeedka iyo hanaanka waxbarasho ee Jaamacada ALPHA, waxaanu tilmaamay inuu balanqaad wanaagsan u balanqaaday.

Dhinaca kale Guddoomiyaha XIsbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Xogyaha warfaafinta Xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, Abiib Filfil oo iyana halkaas ka hadlay ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadan, waxayna ku amaaneen qaabka ay Ardayda wax u barayso iyo duruusta ay u dhigayso, waxayna uga digeen tahriibka iyo dhibka uu leeyahay, waxayna ugu baaqeen Ardayda inay dalkooda  aminaan oo ay ku dadaalan sidii ay horumar  u gaadhisin lahaayeen, Waxbarashadoodana uga faa’iidayn lahaayeen.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isagu munaasibadaas qalan jabinta ardaydan hadal kooban ka soo jeediyey ayaa dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey ardayda, waxaanu u mahadnaqay Maamulka, Macalimiinta Jaamacada iyo Waalidka ku soo tabcay Ardayda, waxaanu Ardayda ugu baaqay inay halkaas ka sii wadaan dadaalka.

Dhanka kale iyada oo Masuuliyiintii halkaas ka soo qayb gashay ay Shahaadooyinka gudoonsiiyeen Ardaydii kala duwanaa ee ka qalan jabiyey Kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacada ALPHA, oo ay ku jireen agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka, ayaa Madaxweyne ku xigeenku waxa uu si gaar ah isagu shahaadooyinka u gudoonsiiyey Ardaydii ugu sareeysay, gaar ahaan labadii Hablood ee ugu sareeyey Jaamacada ALPHA, oo mid ka mid ah deeq Waxbarasho ka heshay dalka Itoobiya, halka Inanta kale ay Maamulka Jaamacadu u balanqaadeen inay u raadin doonaan deeq waxbarasho oo dibada ah.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Shahaadooyin gudoonsiiyey Macalimiin, Hormoodo iyo Shaqaale ka mid ah Jaamacada.

Dhanka kale Ardaydii ka qalanjabisay Jaamacada ALPHA, ayaa iyana waxa ay aad iyo aad ugu mahadnaqeen Macalimiintii wax soo barayey, Maamulkii iyo hormoodadii ay wada joogeen muddadii ay dhiganayeen Jaamacada, waxayna xuseen inay abaal u hayaan.