Jaamac Shabeel Oo Fariin U Diray Xisbiyada Mucaaraadka, Sheegayna In Xisbigoodu U Diyaar U Yahay Doorashada

0
554

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige  (Jaamac Shabeel) ayaa Xisbiyada Mucaaradka ugu baaqay inay iska dayaan shakiga oo ay isku diyaariyaan inay ka qeyb galka Tartanka Doorashooyinka la filayo in Sannadka dambe ay dhacaan, waxaanu Jaamac Shabeel sheegy in Xisbigoodu u diyaar u yahay inuu ka qeyb galo Doorashada.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige  (Jaamac Shabeel) oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa  ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xiisbiyadu Mucaaradka ahi wey shakisan yihiin, waxayna ka shakisan yihiin in Doorashooyinku dib u dhacayaan, laakiin waxa aan u sheegay oo aanu marar badan oo hore ku celinay in aanu diyaar u nahay ka qeyb galka Doorashooyinka soo socda, waxaana markaas leeyahay shakiga iska daaya oo isku diyaariya inaad ka qeyb gashaan Doorashooyinka”. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haye ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige  (Jaamac Shabeel) oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Doorashadu wey mudaysan tahay, wakhtiga ay ku beegan tahayna diyaar ayaanu u nahay, ee sababta ay uga shakisan yihiin Xisbiyada Mucaaradku inay Doorashadu dhacayso iyo in kale ayaa wax lala yaabo ah”. Dhinaca kale Xisbiyada Mucaaradka UCID iyo Waddani ayaa iyagu wax ay walaac ka muujiyeen laba xeer ee is barkan ee diiwaangelinta, waxayna sheegeen in Xukuumaddu ay raadinayso sabab ay dib ugu dhigto Doorashada, isla markaana muddada kordhisato.