Itoobiya Oo Sheegtay Inay Bedelayso Ciidamada Sierra Leone Ee Somaliya Ka Baxay

0
686

Picture5Addis (Geeska/W,Wararka)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtey in dalkeedu diyaar u yahay xoojinta ciidamada Soomaaliya, kadib bixitaankii ciidamada dalka Sierra Leone ee isaga baxay todobaadkan Soomaaliya, kadib markii laga cabsadey ciidamada beddeli lahaa in ay dalka keenaan cudurka dilaaga ah ee EBOLA oo dalalka uu la degey ay ka mid tahay Siiraliyoon.

Ciidamada Siiraliyoon ayaa gaadhayey 850 Askeri kuwaas oo ka hawlgalaayey gobolka Jubada Hoose, waxaana ay ka mid ahaayeen 22 000 oo askeri oo ka socda Midowga Afrika, waxaana ay dalka ku sugnaayeen ku dhawaad laba sano.

AMISOM ayaa sheegtey in ciidanka Siiraliyoon aan la soo beddalayn, ilaa cudurka EBOLA laga cirib tiro galbeedka Afrika.

Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dalkiisu dyaar u yahay in ay diraan ciidamadii beddeli lahaa doorkaasna qaadan karaan.

“Haddii codsi nooga yimaado Midowga Afrika, Itoobiya waxay diyaar u tahay in ay diyaariso ciidamadii beddeli lahaa kuwa Siiraliyoon” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Raysalwasaaraha Itoobiya, waxaana uu ku darey in ciidamada dalkiisu ay horey ugu sugnaayeen Soomaaliya isla amrkaana ka hawglanaan 60% dhulka Soomaaliya!.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa dhanka kale wel-wel ka muujiyey khilaafka markasta soo noqda ee madaxda Dowladda Federaalka kaas oo raysalwasaaraha la caydhiyo.

Ugu danbeyntii ayuu Mr Desalegn sheegey in al-Shabaab weli khatar ku tahay Itoobiya iyo danahooda, waxaana si dhaw ula soconeynaa mar kasta dhaq-dhaqaaqooda ayuu yidhi.