Ismaaciil Buubaa Oo La Filayo Inuu Toddobaadka Dambe Soo Gaadho Caasimadda Hargeysa

0
517

Picture6Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ah siyaasi reer Somaliland ah horena u aaminsanaa mabda’a Somaliweynta ayaa la filayaa inuu dhawaan magaalada Hargeysa soo gaadho.

Md. Buubaa, oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyay ee Somaliya, wuxuu hadda ku suganyahay wadanka Qatar, waxaana la filayaa inuu toddobaad ka dib soo gaadho caasimadda Somaliland, ka dib markii uu si rasmi ah u ga noqday mabda’iisii federaalka Somaliya islamarkaana uu garwaaqsaday inay Somaliland iyo Somaliya kala ahaadaan laba dawladood oo kala madaxbanaan.

Ismaaciil Buubaa, oo sidoo kale noqday wasiirkii maaliyadda ee u horeeyay ee Somaliland, kana mid ahaa mujaahidiintii ururkii SNM ee dalka xoreeyay, waxa waraysi uu dhawaan siiyay wargeyska Carbeed ee Sharqalaawsat oo uu Geeska Afrika soo turjumay ku cadeeyay in Somaliland oo la aqoonsadaa ay qayb libaax ka qaadan doonto daminta colaadaha Somaliya ka oogan.

Si kastaba ha ahaate Ismaaciil Buubaa oo uu hore uga soo horeeyay saaxiibkii Axmed Ismaaciil Samatar oo isna u soo noqday madaxbanaanida Somaliland, waxa la eegi doonaa socdaalkiisa la filayo inuu Hargeysa ku yimaado toddobaadka dambe iyo hadalada uu saxaafadda ku baahiyo.