Iskuulka Salaama Oo Xaflad Sagootin Iyo Soo Dhawayn Isugu Jirta U Sameeyay Ardaydiisa

0
658

IMG_2693(1)Hargeysa (Geeska)- Dugsiga Sare ee Salaama ayaa xaflad ballaadhan oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxa ay ku soo dhaweeyeen arday aad u tiro badan oo ka mid noqon doona dugsigaasi sannad dugsiyeedka cusub ee 2016/2017, halka lagu sagootiyey ardaydii dugsigaasi ka baxday fasalkiisa 4aad ee dhawaan dhibcaha sare kaga gudbay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Sannad Dugsiyeedka 2015/2016 iyada oo si gaar ah xafladdaasi loogu maamuusay Ardaygii kaalinta 3aad ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan oo isla dugsigan SALAAMA ka tirsanaa kaasi oo maamulka dugsigaasi abaal marino qiimo badan guddoonsiiyey.

Xafladdan Ballaadhan ee isugu jirtay qaybaha kala duwan oo Khamiistii dorraad ku qabsoontay Hoolka weyn ee Shirarka Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay Maamulka sare, Macallimiinta, Ardayda iyo waalidiinta Ardayda Dugsigaasi Salaama iyo waliba Marti-sharaf kale oo isugu jirtay Masuuliyiin dawladeed, Siyaasiyiinta Madaxda Xisbiyada qaranka, Madax-dhaqameed miisaan leh, aqoonyahano iyo guud ahaan daneeyayaasha Arrimaha Waxbarashada Somaliland oo dhammaantood ka marag kacay qiimaha SALAAMA Schools u leeyahay qarankeena Somaliland iyaga oo si gaar ah u tilmaamay tayada waxbarasho ee dugsigaasi dalka ku soo kordhiyey iyo dadaalka maamulka iyo macalimiintiisu ka gaysanayaan horumarinta waxbarashada Somaliland.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID oo ka mid ahaa masuuliyiintii xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in munaasabaddan ballaadhan ee Dugsiga SALAAMA tahay mid lagu diirsado isaga oo sheegay in tayada waxbarasho ee dugsigani tahay mid dalka faa’iido ballaadhan u leh waxaanu Mudane Jamaal Cali Xuseen Si gaar ah ula dardaarmay ardayda cusub ee dugsigan sare ee SALAAMA galaysa iyo ardayda ka sii baxaysa ee la sii sagootinayo oo uu ku dardaaray in aanu wakhtigu si dhib yar ku dhaafin ee ay ka faa’iidaystaan.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe oo isna xafladdan ka hadlay ayaa yidhi: “Waxaan hambalyeynayaa ardayda ka baxaysa SALAAMA iyo kuwan soo galaya. Waxaan si gaar ah idiinku hambalyaynayaa natiijadii waynayd ee SALAAMA ka keenay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka oo dhan. Waxaan la socday Dusgiyadaa SALAAMA illaa markii la aasaasay, waxa ILAAHAY mahaddii ah in uu igu simay isaga oo sidan u taabbo galay oo figta sare gaadhay. Waad naga nasiib badan tihiin oo waxaan is idhaaba maad sagaashankii dhalatid”.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 1aad, ahna Musharraxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo iska madashan ka hadlay ayaa si weyn u ammaanay SALAAMA Schools iyo waxbarashada tayada leh ee ay dalka ka fidinayso isaga oo ardaydana dardaaran u fidiyey, waxaanu yidhi: “Waxa aynu maanta ugu baahi badanahay waa tayada waxbarashada iyo in aan ubadkeena wax barno si dalkani u taabbo galo oo aynu meel u gaadhno. Waan hambalyaynayaa dadaalka SALAAMA Schools, ardaydana waxaan leeyahay hambalyo guusha aad keenteen, hore u socda oo hasoo laabanina”.

Intaa kadib waxa isna madasha ka hadlay Suldaanka Guud ee Beelaha Subalaha Illaa Saaxil Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo u hambalyeeyey ardayda, waalidiinta, macalimiinta iyo maamulka Dugsiga SALAAMA oo uu sheegay in uu yahay mid mudan in lagu faano oo qaranka wax weyn ku soo kordhiyey. Suldaan Xasan waxa hadaladiisii ka mid ahaa: “Waxaan u ducaynayaa oo aan hambalyaynayaa Ardayda la sagootiyayo ee guusha weyn keentay ee imtixaankii dalka laga qaaday kaalmaha ugu sarreeya ka galay, waxa kale oo aan la dardaarmayaa ardayda cusub ee sannad dugsiyeedka 2016/2017 u bilaabmi doonta”.

Maamulaha Dugsiga Sare ee SALAAMA Schools Mudane Siciid Faarax Xuseen oo hambalyada ardayda guusha keentay iyo soo dhawaynta kuwa cusub kadib isagu diiradda saaray sida ay muhiimadda u saaraan Tayada waxbarashada iyo aadaabta iyo dhaqanka suubban ee ardayda gaar ahaan ku tarbiyaynta dhaqanka iyo diinteena taasi oo keentay natiijo wanaagsan in dugsigu ka keeno wax soo saarka arday aqoon iyo diin ka dhisan oo lagu majeerto. Maamule Siciid waxa hadaladiisii ka mid ahaa: “Dugsiyada SALAAMA waxa hadafkooda iyo ujeedadoodu tahay in ay soo saaraan jiil ka dhisan dhinacyada akhlaaqda iyo aqoonta, annaga oo aad awoodda u saarna akhlaaqiyaadka ardayda maadaama aanay waxba innoo tarayn aqoon bilaa akhlaaq ahi. Waxaan u mahad celinayaa una ducaynayaa ardayda baxaysa ee dhammaysatay aqoontii dugsiga sare waxaanan soo dhawaynayaa ardayda cuusb ee sannad dugsiyeedkan doortay SALAAMA in ay ku soo biiraan, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa Macalimiinta iyo waalidiinta ardayda oo aan leeyahay dhammaanteen aan gacmaha isu qabsanno soo saarka arday diin, dhaqan iyo aqoon leh oo ah astaanta aanu ku hawl gallo”.

Gabagabada Xafladdan ballaadhan ee u dhacday dugsiga Sare ee SALAAMA waxa hadal dardaaran iyo hambalyo isugu jira ku soo gunaanaday Agaasimaha Waxbarashada Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Muuse Maxamed Shide oo yidhi: “Waxaan ku faraxsanahay horumarka ballaadhan ee uu gaadhay Dugsiga Sare ee SALAAMA oo aan anigu gardaadisay. Anaa gardaadiyey oo furay maantana waxa aan ku faraxsanahay umadda halkaa fadhida ee ay ka muuqdaan astaamaha ilbaxnimadu, astaamaha dhaqan wanaagga iyo tacliinta tayada lihi. Dugsiyadu waa halka aynu ku ilaalino dhaqanka, diinta iyo dadnimada. Waxaan ka marag kacayaa doorka weyn ee dugsiga salaama ka qaadanayo arrimahaasi”.

Ugu dambayn waxa xafladdaasi shahaadooyin iyo abaal marino kala duwan lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah ardayda dugsiga sare ee SALAAMA iyada oo ardaygii kaalinta 3aad ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka oo dhan oo dugsigan ka tirsanaa la guddoonsiiyey alaabo iyo hadyado qaali ah oo maamulka dugsigu ku sagootiyey kuna maamuusay. Iyada oo Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cumar oo ka mid ah madaxda sare ee Dusgyada SALAAMA ahna Waalidka ardayga kaalinta saddexaad Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan Mr. Cabdisalaan Maxamed Sheekh Cabdilaahi uu isna hadyado gaar ah guddoonsiiyey isaga oo ardaydana guud ahaan dardaaran gaar ah siiyey isaga oo ku hadlayay afka waalidiinta ardayda.