Iskeerse Oo Sheegay Inuu Siyaasadda Ka Fadhiistay, Bulshadana Uga Digay Qabyaalada

0
549

Picture6Hargeysa (Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee  Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse)  oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa si rasmiya u sheegay inuu ka fadhiistay hawl-gabna uu ka noqday Siyaasiyadii. Waxa kale oo uu ka digay qabyaaladda aafaysay dalka Somaliland oo uu xusay inay dalka wiiqayso.

Siyaasi Iskeersoe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Wargeyska Geeska Afrika oo uu tilmaamay inuu yahay Wargeyska uu ugu jecel yahay, isaga oo sabab uga dhigay sida wanaagsan ee dhex dhexaadka ah ee uu wax u qoro iyo sida uu uga fiirsado Wararka uu qorayo, “Hawl-gab Siyaasadeed ayaan galay, haddana bini aadam ayaan ahay oo kama maqnaan karo wixii dhibaato ah ee aan arko, inaan isku dayo inaan wax ka sheego, wixii wanaagsan ee aan arkana in aan soo dhaweeyo, Siyaasiyan Xisbigii waan ku jiraa, Golihii Dhexe ayaan ahay, Golihii Fulinta ayaan ahay, haddana kursi aan u ordayaa nooc uu yahayna ma jirto, haddii ay noqoto Wasiirnimo, haddii ay noqoto Xildhibaanimo, haddii ay noqo Madaxweyne, laakiin waxyaabaha aan qoonsado ee aan arko wey I dhibaan, xanuuno wey iska jiraan, laakiin waxa aan Siyaasada hawl-gab uga galay, waxa u waa badan bahashii oo xumaatay, qabyaalad iyo caytana noqotay, Masuuliyiin umaddu wax ku sugayso, oo iyagii Warbaahintii isku wada fuulay, haddii qofku uu wax khaldan arko haddii uu lilaahi ka yahay inuu si hoose u saxo ayey ahayd, oo si gaar ah wax ugu sheego.

Wadanku ku socon maayo Qabyaalad, umad dhan oo inta ay Salaadiinteedu halkaas isa soo taagan oo dhaqanka loo diray, oo leh gow ma leh haddii aanay taayada noqon, oo maalin walba qolo qolo ay u hanjabto, ama qolo Xukuumadda u hanjabayso, maaha wax wanaagsan, da’ baan ahay imika, hawl badan ayaan soo qabtay, Alxamdulilaah, dhismihii Xukuumaddani ku timid waan ka qayb qaatay, si fiican ayaan uga qayb qaatay, waxa aan u sameeynaayey wax aad noqotid may ahayn, waxa ay ahayd Wadankani isbedel Siyaasadeed ha ku yimaado, oo Odaygaas waayo-arag ah ee mujaahidka ah ee khibrad, siyaasad iyo aqoonba ku tuhmaayo, Alxamdulilaah ILLAAHAY taas wuu inagu guulayey”.

Siyaasi Iskeerse ayaa mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Walaalayaal cadaw badan ayeynu leenahay dhinaca walba uu inaga xigaa, afarta jiho ayuu inaga xigaa, gudaha ayuu inoogu jiraa, wax walba wixii dhibaato u keenaya umadda dhibka soo martay ee qaxoontiga soo gashay, ee dhibaato oo dhami u soo martay in hadda dhib kale loo horseedo maaha, Xamartaas aad arkayso waxooga wey qarsadaan, inaga waxeenu banaanka ayey yaalan, waxa aan odhan lahaa xagga Shacabka Qabyaalada, Aflagaadada kursi jacaylka aad nin ku jeceshay isaga oo aanay jirin wax aad ku og tahay inuu ku wax uu ku tari karo, isaga oo reer hebel isku tihiin mooye, nin  aad ku neceb tahay oo aad ku dilayso isaga oo wax dhib ha ku geeysan,  Ragga siyaasada u soo anbabaxay wixii ay Siyaasada ka calaf qaadayaan samada ayaa laga qoray”.

Oday Maxamed Cabdi Aadan,  ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu Wargeyska Geeska Afrika wararka u baahiyo, ayaa yidhi “Warbaahintu waxa ay ku qurux badan tahay in war walba gunta uu ka gaadho oo uu soo taabto, maaha inu qofku qaato waxa uu jecel yahay, Wargeyska Geeska Afrika waa Joornaalka aan ugu jecelahay Saxaafada Somaliland, cilmi baadhis ayuu sameeya, wax buu baadha, wax buu soo ogaada,Geeska Afrika  waa Wargeys dhex dhexaad ah, waana Wargeys nadiif ah oo warar la hubo qora.”