Isbahaysiga Mucaaradka Oo Sheegay Inay Toddobaadka Dambe Qabanayaan Shir Ay Kaga Tashanayaan Xaalada

0
588

isbahaysiga-MucaaridkaHargeysa(Geeska)-Isbahaysiga Mucaaradka ee ay ku bahoobeen Labada Xsbi Mucaarad iyo Madasha Wada-tashiga, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inay qabanayaan Todobaadka dambe Shir ay kaga tashanayaan wixii laga yeeli lahaa Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada, oo ay sheegeen in wakhtigoodii uu wax yari ka hadhay, waxayna sheegeen in Xukuumadda ay u gudbiyeen inay ka soo qeyb gasho Shirkan, balse ay diiday.

Isbahaysiga Mucaaradka oo Shalay shir jaraa’iid qabtay, ayaa  ugu horeyn ku simaha Xoghayaha Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodaxa), oo isagu  shirkaas jara’iid ka hadlay ayaa halkaas ka ahkriyey mawqifka Isbahaysiga Mucaaradka waxaanu sheegay inay Xukumadda ka waayeen wax ku saabsan talo laga yeesho xaaladda siyaasadeed ee hadda taagan waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaanu hore ugu baaqnay in wada-tashi iyo is afgarad laga yeesho wixii laga yeeli lahaa Xukumadda iyo Golaha Wakiilada ee Wakhtigoodu sii dhamaanayo, haseyeeshee ilaa hadda wax farriin ah kama hayno Xukumadda. Mucaarad ahaan waxaanu Maanta (Shalay) ku dhawaaqaynaa in kol haddaanu waynay wada tashigii, aanu todobaadka soo socda  samayn doono guddida qabanqaabada Shirka aanu goonidayada ugu tashanayno. Waxaanu shirkaas kaga tashan doonaa Arrintaasi inagu gadaaman wixii aanu kaga bixi lahayn.Muddo xileedkii Madaxweynaha iyo wakiilada waxaa ka hadhay 69 cisho, wakhtigu cidna saamixi maayo,Wufuud badan oo Maraykan iyo Yurub iyo cid walba leh ayaa dalka timid, intuba waxay ka dhawaajiyeen inaynu doorashooyinka qabsanno December, Komishankana waxaanu ka sugaynaa inuu sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqo maalinta doorashada”

 Kusimaha Xogyaha UCID, ayaa mar uu ka hadlaayey Diwaangelinta waxa uu yidhi “Waxaa lagama maarmaan ah oo ay in laga hadlo tahay, Xeerka diwaangalinta oo uu ku jiro qodob sheegaya in doorashada la qabto 6 bilood ka dib marka diwaangalinta codbixiyaha la qabto. Komishanku wuxuu sheegay in diwaangalintu dhamaanayso 21 November, wakhtigaa 6 bilood ka bacdi inay doorashooyinku qabsoomaan baa ku qoran sharciga,markaas looma baahna 6-daa bilood waxaanu soo jeedinaynaa in laga saaro qodobkaasi”

Dhanka kale Xoghayaha Madasha Wada-tashiga Axmed Ibraahim Xaaji Xasan Warsame oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa tilmaamay in Xukuumaddani hantidii dadka ay ku takrifalayso, isla markaana aan Barlamaanka la soo marin wixii hantiya ee ay iibinayso, waxaana kale oo uu tilmamay inay muhiim tahay in la smaeeyo dawlad ku meel gaadh ah oo dalka gaadhsisa Doorasho xor iyo xalaal ah, isaga oo sheegay in Xukuumaddan aan lagu kalsoonan karin, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “ Cashuurtan la qaadayo, Guriyahan la ibinayo iyo Dekadahan la wareejinayo waa wax jeeb lagu shubanayo, Sharciga uu soo maray waa halkee Barlamaan ma la horgeeya”

Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga Waddani Mustafe Qodaxa ayaa Xukuumadda ku eedayey musuq iyo boob hantida Umadda isaga oo sheegay in aanay dan ka lahayn Xukuumadda dalka, isla markaana ay ku fikirto inay sameeyso waxa ay doonto.