Is-dhexgalka Dhaqanka iyo Nolosha Casriga Ah: Dumar Saan Xoolaad Ku Labbisan, Madaxana Dhoobo Ku Subkay Oo Merehadaha Casriya Ka Adeegta Afrikaa Laga Helaa

0
882

1Windhoek (Geeska)- Waa dhacdo muujinaysa sida ballaadhan ee nidaamka edegeyntu (Globalization) ugu sii fidayo dunida daafaheeda iyo nolosha casriga ah oo dhexgashay dhaqankii iyo qaab-nololeedkii tan iyo dura ay ku dadku ku soo dhaqmayeen.

Waa qalanjo u labbisan qaabka reer tolkeed ee ay ka soo gaadheen awoowyada ay ku isir leeyihiin, saan adhi oo lagu dagagaray cawrada inteeda ugu sii xasaasisan iyo dhoobo timaha lagu dhabooqay si ay uga ilaaliso qorraxda, waxa ay joogtaa meherad ah noocyada dunida maanta ee casriga ah si ay uga iibsato taydh iyo shaambooyo, waa hubaal in dhaqankii awoowyadeed ay ku badhxayso nidaamka casriga ah ee la isu nadiifiyo.

Gabadhan sawirkeedu kuu muuqdaa waxa ay ka dhalatay qabiilka Himba oo dega gobalka Kunene ee woqooyiga- galbeed ee dalka Naamiibiya oo dhaca Koonfurta Bari ee qaaradda Afrika, si kalsooni badan iyo qab leh ayaa ay u soo gashay meherad ku taalla magaalada Opuwo ee xarunta dalkaas, si ay uga adeegato.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika turjumay, waxaa faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxa aana lagu si iyidhi; Qabiilka Himba waa dad weli si aad ah ugu sii faro-adayga hab-nololeedkii dhaqanka ahaa ee qabiilka. Waxa ay ku dheggen yihiin labbiskii, cuntadii iyo arrimihii kale ee dhaqanka u ahaa qabiilkooda, laakiin haddana taasi kama hor istaagto in ay iibsadaan ama isticmaalaan adeegyada kale ee nolosha casriga ahi wadato ee inta badan ku lammaan nolosha magaalooyinka dunida ee maanta.

Gabadhan oo da’deeda lagu qiyaasay Labaatanaadkii in ay ku jirtay, waxaa sawirradan ka soo qaaday sawir-qaade u dhashay dalka Sweden oo lagu magacaabo Bjorn Persson. Isaga oo ka sheekaynaya sida uu muuqaalka gabadhani la yaabkaugu noqdayna waxa uu yidhi, “Gabadhani amakaag ayaa ay igu noqotay, waxa aan kula kulmay meherad aan si caadiya uga adeeganayey, xilli aan dalka Naamiibiya u joogay in aan qabiilkan Himba ka soo sameeyo filim” Bjorn Persson oo 44 sano jir ahi waxa uu intaas ku daray, “Dumarka qabiilka Himba sidan ayaa ay u labbistaan, danna kama galaan haddii ay guriga dhexdiisa tahay, haddii ay tuulahooda dhexdiisa tahay iyo haddii ay magaalooyinka waaweyn ee casriga ah tegeyaan. Sidan ayaa quruxdooda iyo dhaqankooda ah. lama mid ahaa dadka dalalka qaar ama qabiilooyinka qaar ee dalxiisayaasha u yimaadda uun si ay u tusaan u xidha dharkii hore ee dhaqanka u ahaan jiray”

“Madaxa iyo jidhka oo dhan waxa ay mariyaan dhoobo nooc gaara ah, si ay qorraxda uga ilaaliyaan, dharkooduna inta badan waa saan adhi oo keliya” ayaa uu yidhi wariyahan oo intaas ku sii daray in sida ay isaga iyo dadka sawirradan arkay ay ula yaabeen muuqaalkagabadhan aanay ula yaabanayn dadkii meheradan ay wax ka iibsanaysay iyaguna ka adeeganayey ama ka shaqaynayey, kuwaas oo uu sheegay in aanay wax dareen ah siinaynba, maadaama oo arrintani ay iska tahay wax caadiya oo mar kasta ay arkaan.

Gabadhani sida dadka kale ayaa ay u iibsanaysay badeecadaha noloshan casriga ah la isticmaalo iyo cuntooyin, sida daqiiq, sonkor iyo saabuuno iyo shaambooyo.

Qabiilka Himbo dadkiis waxaa lagu qiyaasaa illaa 50 kun oo ruux, oo ku nool deegaan ku teedan webiga Kunene meel ku dhow xadka uu dalka Naamiibiya la leeyahay dalka Angola. Himbo waxaa la aaminsan yahay in ay yihiin qabiilka keliya ee weli dhaqankii qabiilooyinka dalkaasi lahaan jireen ku sii dheggen, halka kuwii kale dhammaan nolosha casriga ah isla beddeleen, dhaqanka horena ku soo ururay uun xusuus iyo sheekooyin. Waa xoolo dhaqato, gaar ahaan adhiga oo riyo iyo ido ba leh ayaa ay aad u dhaqdaan.

Dharkan dadka qabiilka Himba xidhaan ma’aha mid iska yimid uun, balse waxa uu waafaqsan yahay jawiga iyo duruufaha nololeedee cimilada dhulkan Oomanaha ah ee ay ku uumanyihiin. Ragga iyo dumarku shaqada waa ay kala leeyihiin oo dumarka waxaa lagu og yahay, hawsha culus sida aroorka, ragguna xoolaha ayaa ay raacaan. In kasta oo dadka qabiilkani aad ula shaqeeyaan haayado iyo ururro caalamiya oo ka hawlgala sidii ay noloshoodan dhaqanka ah sideeda ugu sii wadan kari lahaayeen, haddana waxa ay diideen in deegaankooda laga sameeyo biyo-xidheen koronto laga dhaliyo, iyaga oo ka cabsi qaba in uu ku soo fataho dhulkan awoowyadood uga tageen.