Intee Ayay Dawladani Sii Tamaarin Kartaa?

0
625

Picture4Labadii Qaybood ee hore waxaynu xusnay labadii madaxweyne ee Rayaale iyo Silaanyo maamulkoodu sidu u liitay iyo aduunkii ay lunsadeen.

Imikana aan iftiimino sida barlamanku ugu suurta geliyey in hantidaa qaranka la lunsado,

Waxaynu soo sheegnay xiligii rayaale markii Guddidii saddex geesood ah loo saarey (Hanti-dhawrka, Guddi Hoosaadka Dhaqaalaha ee G/Wakiilada iyo qayb W.Maaliyadda ah) ay soo badheen mudadii xilka Rayaale oo ay kala jareen dakhligii Dhabta ahaa iyo kharshkii Dhabta ahaa, waxa dheeri soo baxday $ 53 milyan iyo wax la jira.  Isugeyn lacagta uu lunsaday maamulkaasi waxa ay dhan tahay;

$ 122,791,859. Kuma jiraan Lacagtii Dhulkii iyo Daarihii ay iibiyeen, dakhligii dekedda Berbera, Dakhliga Wasaaradda Macdanta ee ka soo xerooda shirkadaha OIL AND GASka baadha iyo Haamihii shidaalka.

Sidoo kale maamuulka madaxweyne silaanyo lacagta uu sida xun u isticmaalay

14 M/Xige Madaxtooyadu la wareegtay (2011-2014), ee Ka baxsan Miisaaniyada madaxtooyada $ 45,646,727, DAKHLIYADA Kale ee la lunsado; Dhulkii la iibiyay, Daarihii la iibiya, Dakhliga W. Macdanta (liisan; kiro sannadeed; sales Tax), Dakhliga Dekedda, Qayb Dakhliga Haamaha Shidaalka.

Barlamanku muxuu ka qabtay arintan Waajibaadka barlamanku waa sharci dejin iyo inuu ku ilaaliyo sharciga xukuumadaha, lakiin nasiib daro ma dhicin taasi,Barlamankan manta waa barlamankii ugu liitay  waxay ku fadhiyaan mudo dhaaf aan sharci ahayn. Mudo kordhintu waxay ku iman kartaa sida Qodobka 42aad ee dastuurku sheegayo.

Qodob 42aad faqradiisa 3aad: Hadii doorashada golaha wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole Cususb.  Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah o oculus sida dhul gariir, cudurada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

Arimahaasi wax dhacay ma’aha, barlamankuse wuxuu caadeystay in xukuumad tahli weyday qabanqaabadii doorashada ay abaal gud uga dhigaan mudo kordhin taas oo Iyana ka faaidaysanayaan mudo kordhintaas oo dantooda u arkaan.

Muwaadin akhri xeerka maamuuska madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka ay golihii wakiiladu ansixiyeen maamuladaa hantidii umada lunsadey ee aynu kasoo sheekayney ay yidhaahdeen abaal gud iyo maamuus ayey ku kasbadeen  iyaguna ku heleen lacagta sagootiga.

Wuxuu Soo Saaray

Xeerka Maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku-Xigeenka hore iyo Mudanayaasha Baarlamaanka

(Xeer Lr.62/2013)

Qodobka 3aad

Dhawrsanaanta

Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka hore waxay leeyihiin dhawrsananta sharci ee ay leeyihin mudanayaasha baarlamaanka, waxaana uu ku waayi karaa haddii maxkamad ay ku rido xukun kama danbays ah oo ciqaabtiisu aanay ka yarayn saddex (3) sanadood.

Qodobka 4aad

Xuquuqda Hoyga

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka hore waxay xaq u leeyihiin:

1. In dawladdu siiso hoy ku habboon oo ah guri dawladeed isla markaana ah kiro bilaash ah (free rent) inta ay nool-yihiin iyaga iyo xaasaskoodu ama ka ugu yar caruurtu uu ka gaadhayo 18 jir.

2. In ay dawladdu u dayac tirto hoyga iyadoo la raacayo nidaamka dayactirka guryaha dawladda.

3. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka hela Xuquuqda ku xusan Faqrad 1aad ee Qodobkan ma iibinkaraan, cidkalena laguma wareejin karo, loomana iscticmaalikaro sifo sharci-daro ah.

4. In la siiyo hal gaadhi,  dareewal, Laba shaqaale, 3 ciidan ah oo ilaaliya nabadgalyadooda iyaga iyo guryahoodaba kuwaas oo kharashkooda dawladu bixinayso.

Qodobka 5aad

Gunnada Maamuuska

 madaxweynaha iyo  Madaxweyne ku- xigeenka hore.

1. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka hore waxay leeyihiin 25% mushaharka ku xusan xeerka mushaharka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka iyo xuquuqda ay ku helaan xubin sharafeednimada Golaha Guurtida.

Qodobka 6aad

Xilliga bilowga Gunnada

1. Waxa Madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenka hore gunnada looga bilaabaya marka ay xillka wareejiyaan.

2. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka hore ee intaan Xeerkani dhaqan galin xillka ka degay waxa Gunnada looga bilabayaa ka dib marka uu Xeerkani dhaqan galo.

Qodobka 7aad

Kharashka caafimaadka

Haddii madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenka hore ay soo food saarto xaalad caafimaad daro oo gudidda dhakhatiirta Qaranku ku taliyaan in cusbitaal dibadeed loo diro, waxaa kharashka caafimaad bixinaya xukuumadda.

Qodobka 11aad

Gunno Sagootis ee Mudanayaasha Baarlamaanka

1. Mudanayaasha Baarlamaanka ee dhamaysta muddo xilleedkooda Dastuuriga ah waxa la siinayaa gunno sagootis ah oo dhan hal Sanno mushaharkeed.

2. Gunnada ku xusan faqrada 1aad ee Qodobkan waxaa xaq u yeelanaya mudanayaasha baarlamaanka ee muddo xilleedkoodu socdo iyo kuwa ka dambeeya.

3. Gunnada ku xusan faqrada 1aad ee Qodobkan Wasaaradda maaliyadu waa inay ku bixisaa saddex bilood gudahood marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada baarlamaanka cusub.

 

Allaa Mahadleh

Mohamed Hashi Elmi