Imisa Nooc…? Faysal Jaamac Geelle

0
1085

imisa snoocNinkaas dheer ee dhuuban in muddo ahba goobtan waan ku arkayey ama isku arkaynay. Muddo Sannad iyo dheeraad ku dhaw oo goob aan halkan ka fogayn aan ka hawlgalayey usbuuc kasta ugu yaraan shan cisho oo ka mid ah saacaddan oo kale halkan waan ku hakanayey, isaguna meel uu kasoo rawaxaba halkan wuu imanayey; imaatinkiisu se joogto ma ahayn ee waa dhif dhawrkii wiigba mar la arko.

 Timihiisa badiba dambasoobay iyo dhuubnida jidhkiisa oo dhererka joogiisuna sii damqaysaa waxay maankaaga ku beeraysaa su’aal faduul ah. Qiyaas ahaan da’diisu nus qarni way tiigsatay. Markasta oo aan halkan si kedis ah ugu kulano waa kii xidhan surwaal dheer oo midabkiisu buluug yahay iyo shaadh cad oo gacmo dheere ah laakiin uu isagu si ula kac ah gacmaha usoo laabay illaa uu suxuladdiisa kusoo takhlay. Malahayga isagoo xarago ka dayaya ayuu shaadhkana surwaalka ka hoos mariyaa, sidaas oo ay tahayna qacda horeba waxad moodaysaa in uu shaqo culus oo uu hayey kasoo baxay amaba mid uu u diyaar garoobayo uu kusii socdo.

Maalinka aan meeshan ku arko ma jirto wax aan ka jeclahay in uu afka kala furo oo iskaaya baro. Maqnaanshahiisa muddo dhaafka ah marka uu in muddo ah dabadeed kasoo laabto ayey faduushaydu ugu sii darantay. Waxan is idhaa Alla wacnaan lahaydee isagoo wixii uu ku maqnaa idiinka waayo warrama! Marka uu se meesha aamusnaan iyo hadal la’aan ku fadhiyo anigu inta aan aad ugu usii fiirsado ayaan iska qiyaasaa in uu xabsi ama xanuun mid uun kasoo baxay.

Maalinkii Alle soo gooyo ee aanu goobtan ku kulano laba shay labadaba lagama waayo. Bac jaad ah oo uu kilinkilada gacantiisa bidix hoosteeda ku haysto iyo baakidh sigaar ah oo ‘ROYAL’ ku qorantahay oo jeebkiisa sare kasoo taagan. Mararka qaar sigaarkaas ayaa laba farood oo gacantiisa midig ku yaal ka dhex qiiqaya, Kaas oo uu intii cabbaar ahba mar nuugayo.

Marka uu halkan isasoo taago ee kursi miis yari hor qotomo dabada saaro, gabadha goobtan meherada ka dhigataa si deg-deg ah ayey bilaydh baasto ama bariis ka buuxo ugu keentaa koob biyo ahna way soo ag dhigtaa. Mar haddii aad muuqiisa aragtid gabadhaas oo bilaydh cad iyo sufur biyo ah la ordaysana waa in aad filataa. Marka aan sidaas arko ayaan anna hoos isku idhaahdaa ‘Kollay waa qaraabo oo si gaar ah ayey iskaga xil saaraysaa’. Taasna waxa sii xoojisa marka inta uu bilaydhkaas darleefo oo uu laba baabaco iyo laba cantuugo oo waawayn ka dhigo, uu waraaqo yar yar oo halkeer yaal afka iyo gacmaha ku duugo ee dabadeed aayar iska dhaqaaqo isaga oo aan wax lacag ah dhankeeda u fiiqin.

Way iska muuqataa in uu lasii gaboobayo khibrad uu waayaha iyo waqtiga ka korodhsaday. Khibraddaas oo uu la gotay lana golon-golay oo buux dhaaf iigu muuqata in aan maalin uun kasoo faqo oo ka liso ayaan naftayda kula tashadaa. Halkee baa se laga bilaabayaa? Ayaan hadana waydiin ahaan iskula noqdaa.

Bil mise bil iyo dheeraad ayey ahayd markii wajigiisa iigu dambaysay. Maalintaas sidii caadada u ahayd aamusnaan inta uu ku yimid oo aamusnaan ku qadeeyey ayuu sidaas ku baxay.

Maanta goor duhur ah dabadii si baraad la’aan ah ayaan ku soo galay goobta, dabeedna si mooganaan ah iskaga fadhiistay mid ka mid ah kuraastii goobta taalay. Markii aan soo fadhiisanayey waan arkayey dhawr qof oo meel iga yar durugsan ku sheekaysanaya, wax dareen ah se maan siinin. Inkasta oo aan dadka ugu muuqan karayey qof fadhigooda kusoo biiray hadana nin isku maqan baan qudhaydu ahaa. Wax kale iyo hawl aan fulinteeda u diyaar garoobayey ayuu maankaygu ku shuqlanaa. Markii aan galayba iska fadhiistay goobtii sidii caadiga ii ahayd. Deedna cabbaar aan isku mashquulsanahay kadib wax baan dareemay. Wax dareenkayga soo wada jeediyey ayay dhagahaygu maqleen, markaasaan jaleecay dhankii dhawrka qof fadhiyeen, Mise wallaahi waaba ninkii odayga ahaa! Maanta se kiiba maaha. Run ahaan kiiba maaha. Waar talaw maxaa heley?

Markii iigu dambaysay muuqaalkiisu aad buu sidan uga duwanaa. Si walba wuu uga duwanaa sidan uu maanta yahay. Miyuu dhaamay? Ayaad is waydiisay, laakiin haba odhan. Dhan kasta xaalkiisu wuu uga fiicnaa sidan. Timihiisii dambaska u eegaa oo waagii horeba iska dayacnaa hadana taagnaa maanta waa hoollif iyo raamo dhegihiisa in ay qariyaan ku dhaw. Tin madaw iyada maanta haba sheegin! Calal ha iska ahaadeene Shaadhkii iyo surwaalkii uu xarago ahaan dhexda uga xidhan jiray goormuu tuuray?

Maanta Wuxu guntan yahay macawis ilaa iyo meel ku beegan jilibkiisa midig dhanna ka faydan, dhanka bidixna ka laadlaada ilaa ay ku dhawaatay in ay dhulka xaadho. Shaadh ka wayn oo aad khamiis bagistaani moodo oo bawdyaha u jooga iyo camaamad garbaha sudhan ayuu ku taagan yahay.

 Kursiga uu ku fadhiyo miisbaa horyaala. Sidii caadada u ahaydna saxan baasto ah ayaa shaw mar horeba la hor dhigay. Qiyaas ahaan laba jeer ayuu darsaday, ka hor intii aan kacdoonka nafsiga ahi meesha ka qarxin. Kacdoonka dareenkaygii iyo kii dadkii kaleba soo jeediyey intii aanu bilaabmin. Afkiisa iyo gacantiisa midig waxa ka saydhmaya baasto uu googooyey oo markii uu afka gelin lahaa laga soo dhex galay. Intii aan dareenkiisu sidaas u bedelmin waxbaa ka horreeyey.

Laba nin oo dhalinyaro ah o ag fadhiyey ayaa si caadi ah iskaga sheekaysanayey intii aan midkood afku kaga dhicin ereyga uu aadka uga damqaday ee uga gubtay. Midkoodbaa si uu carrabku ugu dhuftayba kelmed sheekadiisa kusoo dhacday soo hadal qaaday. Annagu se dhawaqa sida bambada aanu ugu baraarugnay wuxu u qarxayey: “Waar ma waxaas bay ku yidhaahdeen beenaalayaashii tuugta ahaa..waa kuma ka waxaas kugu shubay ee kugu akhriyey. Bal day siday maskaxdii idiinka guumeysteen ee wax walba idiinku shubteen. Ma iyaga ayaa daacad ka ahaa halgan? Ma iyaga ayaa daacad ka ahaa wax la xoreeyo? Bal ciyaalkan la bedeshay daya ee khuraafaadka iyo borobagaandaha lagu shubtay. Ma kan danta leh ayaa maantaba kursi inagaga iibsanaya Waxbaan soo xoreeyey.Waar yaa yarkaagan baan sheegayaa soo arday ma tihid! imika Qoro! waar imika qor tayda qor, beenaale ayaa ku heley ee tayda qor! … Soo arday ma tihid ta runta ah qor imika…Naa keen qalinka keen keen. Waar dhagayso waryaa dhagayso:

“Adeeroow shan bay ahayd. Shan kala wada duwan oo midba dhan u jeedo ayey ahayd. Shan aan midna mid kale la haysan bay ahayd. Waxa keliya ee isku keenay duruuf iyo nacayb la wada nacay ayuumbuu ahaa. Xaalka mid kasta meeshaas keenay wax kale ma ahayn oo aan ka ahayn “Nin faras fankii ka dagay meel u dhaanta ayuu waayey”. Mid kastaa wuu ogaa oo garanayey in kayntan iyo duurkan wax kale oo u dhaamaa aanu jirin. Qaar bay se daacad ka ahayd. Qaar baa jihaad u niyooday. Qaar baa dantu noo keentay. Qaar baa…qaar baa…Dhegeyso adeer shan nooc oo kala wada duwan oo aan midina mid kale arki karinbay ahaayeen. shantaba aan kuu kala sheegee qoro:

 

Kaw: Soomali Nashnaal Muufumenti (SNM) ayaa kuwan la odhanayey. Mab da’ bay wateen, kaasbay duurka usoo galeen. Waxay doonayeen in maalinka dalka la xoreeyo dib loo dhiso wax kale oo la magac ah wixii la odhanayey ‘Soomaali wayn’. Marna gooni goosad ma ay rabin. Ma fahamtay?

Laba: Siday Noqonba Mooyi (SNM) ayaa kuwo kale la odhanayey. kooxdani dhalin yaro ayey u badnayd. Kuwii dugsiyadu ka xumaadeen bay u badnayd. Kuwo aan meeshay ka soo yaaceen wax ku qabin, si ay wax noqon doonaan na aan garanahayn bay ahaayeen. Kuwo naf la caari lasoo yaacay ayuumbay noo ahaayeen. Waxay iska qaateen qoriga iyagoon wax ay ku dagaalamaan iyo wax ay ka dagaalamayaan kala saarayn. Wixii ay halkaas kusoo arkeen wax la mid ah ama u dhaw ayey halkanna ku arkeen, deetana waxay ku dagaal galayeen kelmed ah ‘Iska sido, si ay noqonba mooyee’

Saddex: Soomali Noorad Muufumenti (SNM) ayaa kuwo kale la odhanayey. Kuwani waxay ahaayeen kuwo ka xanaaqsan wixii dadka iyo dalkaba ka dhacay. Wixii loo geystey dad si gaar ah loo takooray ayey ka dagaalameen. Waxay ahaayeen kuwo xusuusan qaladkii lixdankii. Kuwani waxay rabeen in dagaal ka dib si kasta ha ahaatee aan midnimo dambe la soo hadal qaadin. Waar ma garatay waryaa?

Afar: Sayidnaa Nabiyinaa Muxammed (SNM) ayaa koox kale ahayd. koox diimeed bay ahaayeen. Xaq u dirir bay ahaayeen. Waxay ahaayeen kuwo bilawgiiba ka cadhooday wixi dalka duqu ka sameeyey. Wadaadadii la laayey ayey kuwan cadhadoodu ka kacday. Illaa waqtigaas ayey kuwani nidar ku galeen in meesha laga tuuro daaquudkaas. Kuwani waa kuwo mabda’a diimeed watay oo halgan iyo jihaad dhab ah naftooda u sheegay. Waa kuwaa maanta markay dad iyo dalba af garan waayeen shallaadka masaajidda ka dhex qaylinaya. Ma cid kale ayaad mooday waa kuwaas habeen oo dhan qaylinaya?

Shan: Siiso Nafaqo Maanta (SNM) ayaa kuwo kale la odhanayey. Koox tuug ah oo qowlaysato ah bay ahaayeen. Koox siyaasiyiin ah oo afmiishaaro ah bay ahaayeen. Koox halganka dhexdiisa judhiiba kursi ka dhex raadiyeybay ahaayeen. Koox dalka markaas uun timid baa ku jirtay oo tababaro dibadeed kasoo noqday. Koox ka cadhooday wax ay nafahooda u waayeen ee aan ka gadoodin dulmi diimeed iyo mid dadeed ayey ahaayeen. Iyaga ayey ahaayeen kuwii rasaasta iyo deeqda dibadaha laga soo qaadhaamay hudheelada ku kiraysan jiray ee diridhaba dibirada la joogay, adiis ababa iyo Landhan-na u dalxiiska iyo u raaxada tegi jiray Herer iyo hawaasna mirqaanka iyo fadhi ku dirirka la tagi jiray. Kuwa badan baa ka nool maanta. Waa kuwaas kuwa beenta kuu sheegayaa. Annaga bal waa kaase ha na soo ag maraan oo bal waxaas hanoola yimaadaan. Meelahaas ayey dumarka iyo ciyaalka been la dhex wareegaan, oo kolba kursi meel yaal ku fadhiistaan oo dantooda eryadaan. Masaakiintan ayey shaqo ka dhex daydayaan oo kolba nashuushad ku soo dhex tuuraan. Dagaal iyo colaad aanay waxba ka tarayn ayey abaabulaan oo hadana keligood ku gubtaan. Waa tuug waa beenaalayaal. Mujaahid baan ahay mujaahid…Mujaahid. Adeer mujaahidka nooli waa kee? Mujaahidka fayoobi waa kee maanta. Kii dhabta ahaa soo kii dhintay ama dhaawacmay. Kuwii guryaha naga dhistay ayaa maanta mujaahid noo sheeganaya. Alle idin qabay.

Lix: Siilaanyaa Noqondoona Madaxwayne (SNM). Miyaad maqashay iyaga? Adeer hadaba hanaga matajin ee maad naga tagi inan yar baad tahaye.

Markii kelmeddaas ugu dambaysay afkiisa kasoo baxaysay iyo markii uu kor inta uu u booday uu badwaynta kale dabaashay isku il-bidhiqsi bay ahayd. Kuwii hore waxa soo waydaartay ereyo si walba uga duwan. Bad wayntaas inta uu dhex muquurtay oo ereyo fahamkoodu nagu adag yahay dululubiyey ayuu dhaqaaq bilaabay.

“Madadan yaa shekhanaa madadan yadal karamatihii madadan… Madadan yaa shekhanaa madadan yadal karamati madadan…Yaa khayral anaamii yaa khayral anaamii calayka salaamii”

Isla amintaas ayaan fahmay in aanu xanuun iyo xabsi toona kasoo bixin ee uu xerow xer ka yimid oo suufiyoobay yahay. “Madadan yaa shekhanaa madadan yadal karamatihii madadan…”

Faysal Jaamac Geelle

Sidiiq52@hotmail.com