Hub Dadka Dhego Tiraya Oo Loo Adeegsaday Diblumaasiyiin Maraykan Ah Iyo Jawaabta USA

0
1053

Washington (Geeska)- Talefishanka CNN ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in tiro diblumaasiyiin Maraykan ee Havana caasimadda Kuuba joogta ah lagu weeraray hub dhawaq aan la garanayn samaynaya oo dhego tiray. Warku waxa uu sheegay in ugu yaraan Toban diblumaasi iyo xubno qoysaskooda ka mid ah oo Maraykanka iyo sida oo kale laba diblumaasi oo u dhashay dalka Kanada, marar kala duwan iyo siyaabo kala duwan loogu qaaday weerar la adeegsanayo hubkan la garan waayey.

Weerarradan ayaa dhammaantood ka dambeeyey bishii Noofambar ee sannadkii hore oo ah intii ka dambaysay doorashadii dalka Maraykanka ee uu madaxweyne Trump ku guulaystay.

Baadhitaanno ay arrintan ku samaysay FBI da Maraykanka oo kaashanaya masuuliyiinta dalka Kuuba ayaa sheegay in ay muddo bilo ah arrintani socotay, laakiin baadhitaannada muddadaasba la waday ay sheegi kari waayeen waxa uu yahay hubkani.

Weerarka ayaa diblumaasiyiintan iyo qoysaskooda lagula beegsanayo hubkan tiknoolajiga ah oo samaynaya dhawaq ayaa qofka ku ridaya dawakhad badan iyo in dareenka maqalku ka lumo, waxaa intaas dheer in hubkani u uqofka ku keenayo xanuunno daweyntoodu bilo badan u baahanayso.

Sirdoonka iyo dembi baadhayaasha Maraykanka oo dalka Kuuba ogolaaday in ay dalkeeda soo galaan si ay arrintan u baadhaan ayaan illaa hadda wax cad oo ay sheegeen haynin, wax marag ahna kama ay helin guryihii lagu weeraray diblumaasiyiintao o ay baadhis u tageen, sida oo kale waxa ay ku guuldarraysteen in ay ogaadaan nooca uu hubka la isticmaalayaa yahay. Hubkan oo dadka lagu weeraray ay sheegeen in uu leeyahay dhawaq la mid ah ka uu dhagaxa dhadhaabta ah ee dhulka hoostiisa ku jiraa sameeyo ama la mid yahayba dhawaqa biro la isku dhufanayo.

Talefishanka CNN waxa uu sheegay in baadhayaasha qaar badan oo ka mid ahi aaminsan yihiin in hubkan aadka u casriga ah ay adeegsanayso dawlad saddexaad oo aan Kuuba ahayn ujeedadeeduna ay tahay in ay disho xidhiidhka soo fiicnaanaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Kuuba.

Bishii hore ayaa uu wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson waxa uu dalka Kuuba u sheegay in ay ka masuul tahay nolosha iyo badqabta diblumaasiyiinta dalkaas jooga dhulkooda. Laba sano ka hor ayaa madaxweynihii hore ee Marahkanka Barak Obama waxa uu ku guulaystay in uu soo celiyo xidhiidhka uu dalkiisu la’ lahaa dalka Kuuba oo go’ay sannadkii 1959-kii.

Warbaahitna dalka Maraykanka ayaa iyaguna ku doodaya in dalka Kuuba uu diblumaasiyiinta shisheeyaha ee dhulkiisa joogo ku qasbayo in ay kiraystaan guryaha xukuumadda ee magaalada Havana, kadibna ay iyadu damaanad qaadi doonto amnigooda, cid ilaalisana u samayn doonto. “Waxa aanu dawladda Kuuba ka rajaynaynaa in ay soo hesho cidda weerarradan ku liddiga ah badqabka jidheed ee diblumaasiyiinta oo sida oo kalana khatar ku ah dadka kale”

Dhinaca kalana madaxweynaha dalka Marakanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu laalayo heshiiskii u dhexeeyey Washington iyo Havana oo uu madaxweynihii hore Barak Obama hore u dhigay, waxa aanu Trump arrintan ku tilmaamay in ay jawaab u tahay, waxa uu ugu yeedhay bahalnimada taliska Castro.