Hay’adda GAVO Oo Xustay Maalinta Dhimirka Adduunka

0
863

Picture1Hargeysa(Geeska)-Munaasibad lagu xusayay maalinta dhimirka Aduunka oo ay soo qaban qaabisay hayada mudawiciinta Somaliland ee (GAVO) ayaa shalay lagu qabtay Hargeysa.

Waxa ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadk,a madaxa dhimirka ee wasaarada caafimaadka iyo masuuliyiin ka socotay hayada ka shaqeeya dhimirka.

Waxa ugu horeyn ka hadlay madaxa dhimirka wasaarada caafimaadka Dr.Mustafe xuseen Xirsi oo sheegay in loo baahan yahay in bulshadu soo dhwayso dadka qaba xanuunada maskaxda oo ka daayaan hal haysyada iyo maahmaahyada lagu takooro sidoo kale waxa uu intaa ku daray in loo baahanyahay in loo abuuro xarumo ay ku bartaan farsamda gacanta iyo xirfado ay ku shaqaystaan.

Madaxa mashaariicda GRT Cabdrisaq Maxamed Warsame iyo isku xidhaha GAVO iyo GRT ee dhimirka Cabdirashiid Cabdillaahi, ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la xuso maalinta dhimirka aduunka iyagoo sheegay in hal hayska sanadkani yahay la noolaanshaha dadka maskax jabku ku dhacay iyagoo hadalkooda sii wata ayay xuseeen inay wada shaqayn fiican la leeyihiin wasaarada caafimaadka oo ay kala shaqeeyaan arimaha dhimirka siina wadi doonaan la shaqaynta wasaarada caafimaadka.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somalialnd Cismaan Xuseen Warsame ayaa ka hadlay qorshayaasha wasaarada caafimaadka ee ku saabsan dhimirka isagoo sheegay inay dib u habayn ku samayn doonaan cisbitaalada dhimirka ee magaalooyinka Berbera, Burco iyo Gabiley  sidoo kale na ay dhisi doonaan xarumo lagu baro xirfado ay ku shaqaystaan marka ay bogsadaan.