Hay’ada PSI, UNICEF Iyo Wasaarada Caafimadka Oo Daahfuray Barnaamij Nafaqaynta Ubadka Ee Super Fariid

0
719

Picture2Hargeysa (Geeska)- Hay’adda PSI Somaliland, Hay’adda UNICEF iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqayaan daah-furka barnaamij cusub oo nafaqaynta carruurta ah oo loogu magac daray Super Fariid. Super Fariid waa budo ka samaysan nafaqooyin badan sida fiitamiin A, B, C , D, Foolik Asiidh, Ayroon, iyo Sink. Super Fariid waxa loogu talo galay carruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 5 sano. waxaana uu ka caawinayaa ubadka sidii ay u heli lahaayeen nafaqo dhamaystiran. Waxa lagu darayaa cuntada ilmaha maalintii hal mar.  Xaflad ballaadhan oo lagu daah-furayo barnaamijka ayaa ka dhacday Xaafadda State House ka ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka soo qayb-galeen marti sharaf badan oo ka kala socotay Wasaaradda Caafimaadka, Hay’adda UNICEF, Hay’adda THET, iyo qaar kale oo badan.  Marwo Faaiza Ibraahim Axmed oo ah Madaxa Qorshaynta ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka hadashay xafladda iyada oo ku dheeraatay muhiimada ay nafaqayntu u leedahay carruurta, iyo sida barnaamijka loogu baahnaa. Waxa ay hay’addaha PSI Somaliland iyo UNICEF uga mahadnaqday sida ay iskaga kaashadeen hirgelinta barnaamijkan.

Dr Ahmed Jama oo ah Madaxa Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa isaguna iftiimiyey sida uu barnaamijkan cusub ee nafaqeeyaha Super Fariid uga caawin doono ubadka in ay helaan nafaqo dhamaystiran.  Waxa isna meesha ka hadlay Madaxa Xafiiska UNICEF ee Somaliland Dr Awil Haji Gure oo isna ku nuuxnuuxsaday faaidooyinka barnaamijkan cusub ee Super Fariid u keeni doono carruurta Somaliland ee ka yar shan jirka (5 jir). Waxa uu sheegay in uu wax weyn ka tari doono dedaallada loogu jiro in hoos loogu dhigo nafaqadarrada.

Xog Kooban oo ku Saabsan Super Fariid

Super Fariid  waa fikrad cusub oo ku waajahan la tacaalidda fitamiinnada iyo macdanaha ku yaraada jidhka

Waa in lasiiyaa carruurta u dhaxaysa  6 bilood ilaa 5 shanadood

Halkii xidhmo Super Fariid ah ee 1 giraam ahi waxay ka kooban tahay xaddiga nafaqo ee loo bahan yahay in la isticmalo oo u dhiganta 15 fiitamiin iyo macdano

Faa’iidooyinka Supr Fariid

Waxa uu kor u qaadaa difaaca jidhka ee ilmaha

Waxa uu kor u qaadaa amateedka ilmaha

Waxa uu kor u qaadaa tamarta ilmaha

Waxa uu kor u qaadaa awooda ilmaha ee xaga waxbarasho iyo garaadkiisaba

Side loo isticmaalaa Super Fariid

Hal xidhmo sii ilma kasta maalinkasta mudo 90 cisho ah           

Tusha ka jeex ama ka fur xidhmada

Ku dar dhamaan xidhmada super fariidka cunto la kariyay oo jilicsan

Ku dhex qas budada Super Fariid inta cuntada uu ilmuhu hal mar cuni karo