Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Yaasin Maxamuud Xiir, ayaa xaqiijiyay in diyaarado aan la garanayn oo milatari ay dhawaan duqeeyeen deegaano ka tirsan gobalka Oodweyne. Wasiir Faratoon, oo ay warbaahintu shalay wax ka weydiisay waxa ka jira in diyaarado duqeeyeen gobalka Oodweyne, wuxuu sheegay inay duqayntaai jirto balse aanay cidna waxba ku noqon islamarkaana ay baadhitaan ku hayaan “Way jirtaa habeen dhexdaas ah ayay diyaaradi meel kayn ah oo cidlo ah tuur-tureen oo wax ku rideen, wax aad loo hubana maaha, meeshaass cidi kuma noolayn, cidna ma degenayn cidna wax kuma gaadhin. Markaas baadhis ayaa lagu jiraa.” ayuu yidhi wasiirku. Wasiirka oo la weydiiyay sidoo kale xogta uu ka hayo diyaarad milatari oo amar la’aan dhawaan ku fadhiistay deegaano ka tirsan gobalka Salal, ayaa sheegay in diyaaradaasi ka mid ahay diyaaradaha saldhiga milatari ku leh gobalka oo uu xusay inay mararka qaarkood ku xad gudbaan xuduudaha dalalka kale. “Laakiin wax xaqiiqo ah oo aanu haynaa ma jiro.” ayuu ku soo koobay hadalkiisa wasiirku. Wargeyska Geeska Afrika, ayaa maalmo ka hor baahiyay warkan ah in diyaarado aan la aqoonsani ay duqaymo ka gaysteen deegaano ka tirsan Oodweyne, warkaas oo uu hadda wasiirka daakhiligu xaqiijiyay.
Wasiir Faratoon, oo ay warbaahintu shalay wax ka weydiisay waxa ka jira in diyaarado duqeeyeen gobalka Oodweyne, wuxuu sheegay inay duqayntaai jirto balse aanay cidna waxba ku noqon islamarkaana ay baadhitaan ku hayaan “Way jirtaa habeen dhexdaas ah ayay diyaaradi meel kayn ah oo cidlo ah tuur-tureen oo wax ku rideen, wax aad loo hubana maaha, meeshaass cidi kuma noolayn, cidna ma degenayn cidna wax kuma gaadhin. Markaas baadhis ayaa lagu jiraa.” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka oo la weydiiyay sidoo kale xogta uu ka hayo diyaarad milatari oo amar la’aan dhawaan ku fadhiistay deegaano ka tirsan gobalka Salal, ayaa sheegay in diyaaradaasi ka mid ahay diyaaradaha saldhiga milatari ku leh gobalka oo uu xusay inay mararka qaarkood ku xad gudbaan xuduudaha dalalka kale. “Laakiin wax xaqiiqo ah oo aanu haynaa ma jiro.” ayuu ku soo koobay hadalkiisa wasiirku.
Wargeyska Geeska Afrika, ayaa maalmo ka hor baahiyay warkan ah in diyaarado aan la aqoonsani ay duqaymo ka gaysteen deegaano ka tirsan Oodweyne, warkaas oo uu hadda wasiirka daakhiligu xaqiijiyay.