Hargeysa: Xarun Caafimaad Oo Loogu Magac daray Rajo Radiology Centre Oo La Furay

0
717

Picture1Hargeysa(Geeska):-Munaasibad balaadhan oo lagu daah furaayey xarun cusub oo dhinaca baadhitaanka adeega caafimaadka ah oo magaceeda la yidhaahdo Rajo Radiology Centre ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr:Muuse Qaasim,Agaasimaha Xarunta Rajo Radiology Centre Maxamed Mahdi,Dr:Ciise Cabdi oo ka socday Wasaarada Caafimaadka,iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan. Agaasimaha Xaruntan casriga ah ee dhinaca Baadhitaanka Caasimaadka ah Mr:Maxamed Mahdi oo ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xaruntan ay aas aaseen dad muwaadiniin ah oo iskood isku xilqaamay si ay shacbiga reer Somaliland ay ugu fududeeyaan dhibaatooyinka ka haysta dhinaca adeegyada Caafimaadka oo ay u tagi jireen dalal kale oo dibada ah,waxaana uu sida oo kale uu tibaaxay in ay hada laga bilaabo ay ku heli doonaan qiimo jaban iyaga oo dalkoodii Hooyo jooga.

"Waxaa aas aasay muwaadiniin reer Somaliland ah oo galiyey hantidooda maskaxdooda iyo wakhtigoodaba si ay qayb uga qaataan baahiyaha faraha badan ee wakhigan jira oo kalifi jiray ay dadku ay wadan kale safar dheer ugu galaan iyada oo ay kafayn lahayd lacag aan ka badnayn Laba boqol oo dollar baa laga yaababa in qofku marka uu wadan kale ugu safro in ay kalifto in kabadan Laba Kun oo Dollar,taa daraadeed waxaanu go'aan sanay in aanu soo dhawayn oo aanu keeno meel ay gacmahooda iyo lugahooduba ay gaadhi karaan.Xarunta Rajo waxaa hada lagu aas aasay oo ay hada ku qalabaysan tahay Sawir qaadaha Ctc-Scan,X-ray,flores Copy,Ultrasound Double Colour,Ecg iyo Labouratory casri ah,waxaa kale oo ay xaruntu hada u diyaar san tahay in ka qayb qaadato tobabarada mihnad layaasha Caafimaadka si looga maarmo dadka Xirfadlayda ah ee aynu ka soo kaxayno dalalka dariska ah iyo kuwa kaleba,markaa nimanka hada noo shaqaynaaya waxaanu heshiis kula galnay in ay tobabaro siiyaan dad muwaadiniin ah"Ayuu yidhi Maxamed Mahdi Dr:Ciise Cabdi oo ka socday Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si aada u soo dhaweeyey Xaruntan Cusub ee bixinaysa adeega dhinaca Caafimaadka ah,waxaana uu sheegay in ay wax badan ka tari doonto baahiyihii kala duwanaa ee ka jiray dhinaca adeegyada Caafimaadka.

"runtii xaruntani waxaa ay noqon doontaa Xarun lagaga raysan doono hawlihii bukaanka iyo dhibaatooyinkii haysan jiray,waxaana ay noqon doonta Xarun waxbarasho oo ay ardayda Jaamcadaha iyo Dhakhaatiirtuba ay kaga faa'idaysan donaan markaa anagu ka wasaarada ahaan aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa"Ayuu yidhi Dr:Ciise Cabdi Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr:Muuse Qaasim oo ugu danbayntii isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxaa uu si aada u amaanay muwaadiniinta reer Somaliland ee isu xilqaamay in ay dalkooda ku soo kordhiyaan adeegyo dhinaca caafimaadka ah oo wax badan ka taraya baahiyaha kala duwan ee ay shacbiga reer Somaliland kala kulmaan dhinaca Caafimaadka,Sida oo kalena waxaa uu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland in ay ka faa’idaystaan Adeegan Caafimaad ee ay Xarunta Rajo u keentay. "Xaruntan maanta la furay waa xarun runtii aad lugu baahnaa sidoo kale shaqooyinka ay la qabatayna runtii waa shaqooyin aad  muhiim u ah sida ay sheegeen wax ay inoo keneen shaybaadho dadka wax u tari doona,dadkana waxaan leeyahay in ay ka faa’iidaystaan waa laga maarmaan maadaama hore baahi badan loogu qabay”Ayuu yidhi Dr:Muuse Qaasim