Hargeysa: Wasiirka Wershadaha Oo Furay Kulan Cilmiyeed Lagu Dhiirigelinayo Wershadlayda

0
713

Picture2Hargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Md:Abiib Diiriye Nuur ayaa furay kulan dood cilmiyeed aqoon isweydaarsi ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Warshadaha Somaliland oo ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Kulankan oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa inta uu socdo waxaa si balaadhan loogu falan qayn doona sidii loo ogaan lahaa khayraadka uu dalku leeyahay ee u baahan in la Warshadeeyo,si loogu soo bandhigo muwaadiniinta reer Somaliland si ay u maal gashadaan meelahaas xogta rasmiga ah laga soo ururiyey.

Waxaana kulankan ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warshadaha,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cilmi baadhista iyo Technology-yada,Gudoomiyaha Gudida Warshadlayda Somaliland,La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Arrimaha Warshadaynta iyo Ururo caalami ah iyo kuwo maxali ahba,Waxaana kulankan markii ugu horeysayba si faah faahsan uga hadlay u jeedadiisa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warshadaha Somaliland Md:Cabdi Gurey. "Wasaarada Warshadaha iyo ururka Warshadaha Qaranka oo wada jira iskaashanaya,waxaa loo gudbiyey qoraalo guud ahaanba Wasaaradaha ay Khusayso khayraadka dalka ee kala duwan markaa guud ahaan waxaa kale oo ina waheliya Ururo kale oo iyaguna ku shaqo leh badbaadada deegaanka oo iyaguna inala jooga guud ahaan markaa u jeedada kulankani waxa weeye aqoon isweydaarsi Saddex maalmood socon doona looguna talo galay in la falan qeeyo oo la gorfeeyo intii suura gal ah dalkani khayraadka uu leeyahay ee u baahan warshadayn si loogu bandhigo muwaadiniinta iyo cidii kale ee danaynaysa in ay dalka maal gashadaan wasaarada Warshaduhuna ay ururiso xog nidaamsan oo habraac leh oo dadka loo bandhigi karo ujeedadu guud ahaanba waa taas"Ayuu yidhi Md:Cabdi Gurey Guddoomiyaha Ururka Warshadlayda Somaliland Md:Maxamed Sheekh Cumar oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay ka Urur ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in Wasaarada Warshadaha Somaliland ay qabato kulan noocan oo kale,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay xog ururintani ay wax badan ka tari doonto kor u qaadida heerk dhaqaalaha dalka,maadaama baa uu yidhi ay Warshadahu ay kaalin mugleh ka qaataan dhinaca arrimaha dhaqaalaha dal ahaaneed.

"Horta anagu hadaanu nahay Warshadlayda dalka anaga waa noo farxad waana kulankii afaraad ee aanu ka qayb galno,qofkuna marka dee qaybtii uu bulshada(Feild) uu ku jiray ay ahayd  shucuur gaar ah ayaa ay siinaysaa,markaa anaga run ahaantii horta dareen farxadleh ayaa ay noo tahay in Wasaaradii Warshaduhu ay dhaqdhaqaaq samayso oo aynu khayraadkii wadankeena aynu la soo baxno ama maxaa warshadayn noqon kara la yidhaahdo.arrinta kale dee Allaabada ay warshadahu ku shaqeeyaan ee (Raw Material-ka) dee dibada ayaa laga keenaa markaana dee inkasta oo xagii Ictiraafka ay ku xidhan tahay caqabad waye dee markaa farxad weyn ayaa ay noo tahay hadii Wasaaradaha ay Hay'ad waliba ay waxeeda soo bandhigto dee Warshaduhuna waa ay inoo korayaan dalkuna Warshadbaa dee uu hore uga maraa,waxa dal hore ugu maraa dee waa Warshadayn waa shaqo abuur(Employment),Wax soo saarkii dalka gudihiisa(Local Product) arrimo badan oo dhinaca dhaqaalaha ahba"

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha,Cilmi baadhista iyo Technolgy-yada Somaliland Md:Maxamed Cali Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ka waramay sida ay muhiim u tahay cilmi baadhistu.

"Horta dee dhibaatada ugu weyn ee ina haysataa waa Cilmi baadhis la'aan,Cilmi baadhis la'aana dee Warshad lama samayn karo markaa halkan waxaanu ku soo bandhigi doonaa sida ay Cilmi baadhistu ay faa'ido ay ugu leedahay Warshadaha iyo Technology-yada,Dhibaatada ugu badan ee imika Warshadaheena haysataana waxa weeye tiiyoo aan cilmi baadhis la samayn ayuunbaa Warshadii dalka la keenayaa,dee dabadeed Warshadii meeshii ku haboonayd dee lama gaynaayo"Ayuu yidhi Md:Maxamed Cali Aadan Ugu danbayntiina waxaa kulankaasi furay Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Md:Abiib Diiriye Nuur. "Ujeedada kulankan hadii aan wax idiin ka sheego waxa weeye Wasaaradu iyada oo fahamsan qiimaha wada tashigu uu leyahay ayaa ay markii Saddexaaad soo abaabushay dood Cilmiyeed walibana dood Cilmiyeed ka heer sareeya kuwii hore oo runtiina kuna wajahan Waxii dalka in la ogaado ee waliba la warshadayn karo,Sababta oo ah waxaad aad u ogtihiin in inaga oo uu dalkeenu uu yahay dal yar oo aan wax dhaqaale ah aan lahayn oo aan isku filnayn oo yacnii dee inaga ayuunbaa isu tashana oo cid wax ina tarta iyo cid wax ina siisa oo kale ma jirto"Ayuu yidhi Md:Abiib Diiriye Nuur