Hargeysa: Shirkada ALMIS Oo Si Rasmiya Ula Wareegtay Qashin Ururinta Degmada 26-June

0
1159

Picture5Hargeysa (Geeska)-Shirkada ALMIS, oo ah Shirkad cusub oo Qashinka ka ururin doonta Degmada 26-june oo ka mid ah Degmooyinka ugu balaadhan Caasimadda, ayaa tartan muddo dheer socday oo ay soo bandhigeen Golaha Deegaanka Caasimadda waxay  ku guuleeystay inay ka mid noqoto shirkadaha caasimadda ka shaqayn doona, kadib markii ay ku fashilantay Shirkadii hore Qashinka uga ururin jirtay Degmada 26-june.

Shirkada ALMIS, ayaa Munaasibad balaadhan oo ay shalay ku qabtay Guuleed Hotel ee Magaalada Hargeysa  waxa ay ku soo bandhigtay waxyaabihii kala duwanaa ee u sahlay inay ku guuleeysto inay Qashinka ka ururiso Degmada 26-june, waxaana Munaasibadaas ka soo qeyb galay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Maxamed Caydiid (Cabdiraxmaan Solteco), qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka,Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, guddoomiyaha degmada 26 June Mawlid Kayse, Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada ee Dawladda Hoose Hargeysa,Masuuliyiin ka socoday Wasaaradda Caafimaadka, Culmi awdiin, Masuuliyiinta Shirkada ALMIS iyo marti sharaf tiro badan.  Waxa ay shirkaddu soo bandhigtay toddoba baabuur oo ka shaqayn doona qashin gurista kuwaas oo ah baabuur casri ah.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dawladda hoose Hargeysa  Khadar Yuusuf Cali  oo ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey qaabkii ay  shirkada ALMIS ay ku heshay qandaaraska  qashin ururinta  degmada 26-June, waxanu tilmaamay in shirkadu ku guuleysatay inay buuxiso dhammaan shuruudihii looga baahnaa, iyo inay keento dhammaan Baabuurtii  qashinka lagu gurayey oo casri ah, isaga oo tilmaamay in maanta ay hawsha qashin ururinta ah ay galidoonto, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Shirkada Dhis oo ahayd Shirkadii qashinka ka ururin jirtay Degmada 26-june, ayaa ka soo bixi weyday hawshii ay haysay, waxayna Xildhibaanada Golaha Deeganku garteen inay ka qaadan, oo Shirkadii ku haboon ee u qalanta soona buuxisa shuruudaha looga baahan yahay inay Qashinka ururiso, Shirkado ilaa lix ah ayaa Tartan galay, oo Shirkada ALMIS, ayaa ugu dambeyntii ku guuleeystay, waxaana ay keentay Todoba Gaadhi, oo Lix ka mid ahi halkan yaalan,halka Gaadhiga kalana uu yaalo Geerashka, iyada oo sare loo qaadayo Kaabanada, waxaanan Shirkada u sheegay in aanay shaqaale kale qoren ee  Shaqaalihii ka shaqayn jirey Shirkada Dhis ay u soo wareegi doonaan, waxaana ka codsanaya Shirkadan inay si fiican Qashinka u ururiso”.

 Yuusuf Axmed Cali oo ka mid ah Madaxda  Shirkada ALMIS ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday hawlaha kala duwan ee horyaala ee ay qaban doonaan, waxaanu tilmaamay in madaama Degmada 26-june tahay Degmo balaadhan ay ugu talo galeen in guud ahaan qashinka ka ururiyaan oo aan waxa qashin ah degmada lagu arag . waxa kale oo uu tilmaamay in ay keenen qalabkii iyo Baabuurtii gurayey Qashinka oo uu xusay in ay yihiin qaar dhammaantood cusub, waxaanu yidhi “Degmada ay Shirkadayadu ka shaqayn doontaa waa Degmada 26-june, Degmadana waa Degmo aad u balaadhan, waa Degmo aan qarsan karin Qashinka, anaga Shirkada ahaana in aanu si fiican Qashinka u nadiifino, oo hawshii naloo igmaday si wanaagsan uga soo baxno, oo si hagar la’aan ah uga soo baxno, Degmadan 26-june, waxa ay u qeybsantaa afar qeybood, oo kala ah Almis, Duriya, Cayn-gal iyo Gol-jano,afartaas qeybood wey sii kala qeybsamayaan, waanu dadaalaynaa waxaana shirkadayda boqolkiiba boqol ka go’an in aanu xooga saarno Qashin ururinta, madaama caafimaad daro ka dhalan karto, dhibaatada Qashinka ka dhashana waynu naqaana, oo bilic xumo, caafimaad xumo iyo wax la mid ah ayuu keena Qashinku, waxaanu doonaynaa in aan anaga iyo dadka 26-june iska kaashano oo aanu wada shaqayno oo aanu anaga fulino adeega dadka, oo sidii loo baahnaa Qashinka ururino, waxaana Odayaasha Degmada ku boorinaya inay nala shaqayaan,oo si wanaagsan noola shaqaysaan, oo aanu Guri kasta iyo Albaab kasta Qashinka ugu tagno, oo aanan arag Qashin meelahaas yaala, waxaanan leeyahay Maayar, XIldhibaano iyo Agaasime hawshii aad noo igmateen waanu ka soo baxaynaa, hagar la’aan ayaanu ku shaqaynaynaa, wax dhib ahina ka iman maayo”.  

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Guddida Arrimaha Bulshada ee Dawladda hoose Hargeysa, Xildhibaan Timo-cadde oo ah Guddoomiyaha Guddida Dhulka ee Golaha Deegaanka Caasimadda, oo iyaguna hadalo ka jeediyey Munaasibadaasi ayaa hoosta sheegay in Shirkadani dabooli doonto baahidii Qashin ururinta, waxayna Shirkada ALMIS kula dardaarmeen in shaqada loo diray ee Qashin ururinta ay ka soo baxan.

 Xildhiban Cabdi Cali Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deeganka Caasimadda Hargeysa oo isagu qaabilsan Degmada 26-june, oo ka hadlay Madashaasi ayaa tilmaamay in shirkada looga bahan yahay in sida ugu fiican ay Degmada uga hawlgasho oo Qashinka uga guurto, isaga oo xusay in dawlada hoose arkayso qalabka iyo Gaadiidka cusub ee shirkadu la timid in ay yihiin qaar Qashinka ka dhameyn kara Degmada 26-June oo uu sheegay in ay tahay Degmada ugu dadka badan Degmooyinka Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Maxamed Cilmi Ilkacase oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa aad u amaanay Shirkada ALMIS ee Qashinka ka ururinaysa Degmada 26-June waxaanu tilmaamay in Shirkadu ay u babac dhigto hawsha laxaadka kale ee loo xilsaaray.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid  (Cabdiraxman Solteco) oo ugu dambeyntii hadal ka jeediyey Munaasibadaasi ayaa sheegay in sababta dawlada Hoose Shirkadaha gaarka loo leeyahay ay u siisay in Qashinka ay guraan,  tahay mid maamul daadajin ah, si Dadweynihii hawshii ay uga qaybqaatan, “markaas” ayuu yidhi maayarku, “ALMIS waxay ka mid tahay Dadweynaha 26-June.” waxa kale oo uu Maayirku sheegay in shirkadani qalabkii Qashinka lagu gurayey ay soo diyaarsatay, waxaanu shirkada ka codsay in hawsha sida ugu fiican ay u qabtaan oo Degmada Qashinka ka ururiyaan.