Hargeysa: Munaasibad Lagu Xusay Habeenkii Nebiga SCW La Dheelmiyay Oo Si Weyn Loo Qabtay

0
596

Picture3

Hargeysa(Geeska):-Munaasibad balaadhan oo lagu weynayo habeenkii Nabigeena suuban ee Muxamed (NNKH) la dheelmiyey  ee Laylatul All-Israa Wal-miciraaj, ayaa  lagu qabtey hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay, ayaa hir-galinteeda waxaa qeyb weyn ku lahayd Jimciyada waxbarashada Diinta, qaban qaabinta xafladaha xusaska diiniga ah iyo horumarinta bulshada ee Jimciyatul Axbaab, waxaana munaasibadan ka soo qeyb-galay masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng:Faysal Cali Waraabe, xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, culimo, madax-dhaqameed,arday  iyo marti sharaf kale.

Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha habeenkii la dheelmiyey Nabigeena Suubanaa ee Muxamed (NNKH),Mucjisooyinkii iyo Aayaadkii Nabigu soo arkay  Habeenkaas,

“Waxaynu tilmaamaynaa wakhtiga uu dhacay habeenkani iyo sababta uu ku yimid in Nebiga la dheel-miyaa, habeenka ILLAAHAY  Nebiga casuumay waxay ahayd 27-ka bisha Rejab, waxaanay ahayd habeen Isniin ah, waxay sababtu ahayd oo uu Allaah u casuumay Nebiga, ummaddii Islaamka ahayd ee Maka ku sugnayd ee Nebigu (C.W.S), Madaxda u ahaa cidhiidhi bay ku jirtay wakhtigaa, waxaana sannadkaa Nebiga (NNKHT) la dheel-miyey loo bixiyay sannadkii murugada. Murugadaasna waxa keenay saddex arrimood, Xaaskiisii Khadiija oo wixii uu Nebigu dhibaato dibedda kala soo kulmo ka caawin jirtay oo dhiirrigalin jirtay ayaa dhimatay, Addeerkii Abu-daalib-na wuu dhintay, saddex ayaamood ayay kala dambeeyeen. Markaas, ayay Nebiga (CSW) ku sii badatay dhibkii Gaallada, maaddaama oo ay labadii qof ee difaaci jiray dhinteen.”.Ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax.

Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Dabadeedna Nebigu (C.S.W) wuxuu tagay Daa’if oo ay yaalleen Niman Carbeed oo xoog lahaa, halkaas oo uu Diinta gaadhsii islahaana waa laga soo dhagxiyey (dhagax-tuuray) oo wax-yeellaa Nebiga loo geystay. Dabadeedna Maka ayuu ku soo noqday. Markaas ayaa Nebiga (C.S.W.) casuumadda loo fidiyey si murugadaa looga dhaqdhaqo, Nebiguna (CSW) 50 jir buu ahaa markaas la dheel-miyey.” .

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng:Faysal Cali Waraabe oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in dad neceb diinteena suuban iyo Nagibeena ay usoo tafaxayteen sidii ay dadka u kala lumin lahaayeen, waxaana uu culimada u soo jeediyay in ay isku mideeyeen sidii ay u difaaci lahayeen Diinta ILLAAHAY SWT ee u baahan sida uu cadeeyay in laga ilaaliyo cadaw-yada badan ee hadheeyay.

“Qofka walaalayaal Danbi bidco Ah ku sheegay Nabigeenii Muxumed NNKH oo la xusayo loona baahan yahay In markasta la wayneeyo Danbi ku sheegay isaga ayaa og halka uu ku socdo,Aan idiin waramee Muslimkii meel uu galo ayuu waayay,hadaanay dadkuna lahayn dawlada lagaga baqo cidwaliba way u soo qoslaysaa,walaalayaal markii muslimka aduunkii lagaga adkaaday ayaa loogu tagay Aakhira oo kolba wax laga sheegayaa,waxaana la leeyahay sodonka sanno ee soo socda aduunku waxa uu noqonayaa islaam,toddobadii qof ee meel wadayimaad lix qof ayaa muslim noqonaysaa,haddana gaaladii leedahay dadkii hadilina waxa isqabanaya maaha. Haddii aynu fulin wayno waxa uu ILLAAHAY ina faray waxa ka xun ayaa iman Doona,bakhtigaas Sheekhu sheegay ayaa laguwada socdaa oo qof waliba aduun ayuu jeclaaday,Waxaana ay ku tartamayaan Daaraha waxaana ay ilaaween in la dhimanayo,dawlada waxaan fari lahaa in ay Xoojiso diinta hadaanay xoojina dhibteeda yeelan karto”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa dhankiisa  ku dheeraaday muhiimada ay maalintani u leedahay maslimiinta ku dhaqan daafaha caalamka waxaana uu yidhi “Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo ay inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (N.N.K.H) haddaba waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa(SCW, waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga,Caruurtayda iyo Waalidiintaydaba marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu Rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maaha markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydana waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa inay maxabada Rasuulku halkaa inaga gaadhaa inagana”.Ayuu yidhi Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Dhinaca kale Culimo badan ayaa iyana  munaasibadaas ka hadashay waxayna dhammaantood ku dheeraadeen muhiimada ay leedahay maalintani iyo siday ugu qaaliga tahay muslimiinta daafaha Duniada joogta waxaana ay soo jeediyeen in markasta iyada oo lawaynaynayo Rasuulka lana jecel yahay la xuso.

Dhanka kale  waxa Munaasibadan lagu soo bandhigay Gabayo iyo Qasiidooyin ka turjumaya Maalinta Qiimaha u leh muslimiinta waxaana ay Maalintan Awgeed hambalyo u direen dadka maslimiinta ah eek u kala nool daafaha dunida.