Hargeysa: Hadhimo Sharafeed Loo Sameeyay Badhasaabka Hawd

1
654

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Hadhimo sharafeed balaadhan ayaa shalay magaalada Hargeysa loogu sameeyay guddoomiyaha cusub ee gobalka Hawd Ibrahim Xaaji Cali Xasan.

Hadhimadaas oo ka dhacday hoteel Hadhwanaag, waxa soo abaabulay guddiga dhallinyarada ee ah ee Hawd iyo Hargeysa, waxaana  ka soo qayb galay Mayorka Magaaladda Baligubadle, Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha, badhasaabkii hore ee Gobolka Hawd, Ganacasato, aqoonyahan iyo waliba guddida dhalinyaradda.

Hadal kooban oo uu ugu horeyn halkaasi ka soo jeediyay Afhayeenka Guddida Dhalinyaradda Beesha Degta Goboladda Hawd iyo Hargeysa ayaa waxa uu ku sheegay in ay qado sharaftan uga gol lahaayeen in ay kalsooni ku siiyaan Badhasaabka Cusub.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in ay taageero hiil iyo hooba ah la barbar taagnaan doonaan Badhasaabka Cusub ee Gobolka Hawd.

Sidoo kale waxa uu ilaahay uga baryay in uu xilkaasi u fududeeyo isla markaana mudada uu ku sugan yahay Gobolka Hawd ay ka guddi ahaan wax  badan kala qaban doonaan.

Khadar Budle oo ku hadlayay afka aqoonyahanka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in baahiyaad tiro badani ay ka jiraan Gobolka Hawd isla markaana looga baahan yahay Badhasaabka Cusub in uu dhinaciisa dedaalkiisii sii laban laabo isla markaana uu u guntado sidii uu baahiyaadkaas badan u dabooli lahaa.

Sidiiq Cawil Axmed Xajiin oo isna ka tirsan guddida qado sharafta u samaysay Badhasaabka Gobolka Hawd ayaa isna hadalo soo dhaweyn ah halkaasi ka soo jeediyay

Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha Maxamed Xuseen (Mu’adinka) oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb gashay Qado Sharaftaasi lagu maamuusay Guddoomiyaha Gobolka Hawd ayaa carabka ku dhuftay in baahi aad u balaadhani ay ka jirto deegaamadda hoos yimaada Gobolka Hawd.

Waxa uu balan-qaaday in ay kala shaqayn doonaan Guddoomiyaha Gobolka Hawd sidii uu hawlihiisa ugu qabsan lahaa sida ugu fudud.

Sidoo kale Ganacsade Xaaji Yuusuf Cabdilaahi Rooble ayaa xusay in si loogu soo hirto waxqabadka Gobolka Hawd la soo dhaweeyo ganacsatadda kala duwan ee u dhalatay Gobolkaasi. “Waxa aan leeyahay maamulka Gobolka hawd, ganacsatadu waxa ay jeceshahay in la soo dhaweeyo ee bal inta aad isu tagtaan soo jiita ganacsatadda, anaguna waxa aanu ka hir gelin doonaa waxyaabihii ay magaalo u baahnayd oo dhan.” Ayuu yidhi Ganacsade Yuusuf Cabdillaahi Rooble.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Hawd Cali Cawil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay baahida taala gobolkaasi aanay ahayn mid uu ka dabaalan karo qof iyo laba, balse ay u baahan tahay in gacmaha la is-wada qabsado.

Waxa uu dhinaciisa balan-qaaday in uu la shaqayn doono badhasaabka cusub iyo waliba guddida dhalinyaradda.

Guddoomiyaha Dhalinyaradda Beesha Goboladda Hawd iyo Hargeysa Axmed Maxamed Cabdilaahi (Darajo) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gobolka ay ka jirto baahi laxaad lihi, waxaanu badhasaabka cusub kula dardaarmay in  uu guntiga dhiisha iska dhigo sidii uu baahiyaadkaasi wax uga qaban lahaa.

Gabogabadiina Badhasaabka Cusub ee Gobolka Hawd ayaa carrabka ku dhuftay in meelo badan oo gobolka ay ka jiraan abaaro, kuwaas oo u bahaan in wax lalaga qabto dadka reer guuraaga  ah.

Waxa kale oo uu ugu baaqay jaaliyadda gobolkaasi u dhalatay, aqoonyahanka, dhalinyaradda, haweenka, culimaa u diinka iyo ganacsatadaba in ay talo qaran isugu yimaadaan sidii loo horumarin lahaa gobolka Hawd.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha iyo maaliyadda ayuu iyagana ugu baaqay in ay sidii la rabay uga shaqeeyaan Gobolka Hawd, waxa kale oo uu baaq u diray hay?adaha caalamiga ah.

Comments are closed.