Hargeysa: Gabadh Da’yar Oo Sheegtay In Qoys Ay U Shaqaynaysay Ay Dhaawacyo Gaadhsiiyeen

0
557

Picture1Hargeysa (Geeska) – Siraad Saleebaan Jaamac, waa gabadh da’deedu tahay 17 Jir ku nool Magaalada Hargeysa, waxay la liidataa dhaawacyo faro badan ay gaadhsiiyeen nin iyo xaaskii oo ay gurigooda uga shaqeynaysay.

Siraad Saeebaan Jaamac, oo guriga ninka garaacay loo shaqo geeyay Maalin ka hor garaacistiisa, ayaa waxay sheegtay in ninka ay gurigiisa ka shaqeynaysay uu ku garaacay budh isla-markaana uu si naxariis daro ah uga garaacay meel kasta oo jidhkeeda ah, waxaana ugu daran ka mid ah wejiga oo guud ahaan noqday dhiig isla-markaana bararay.

Siraad Saleebaan, oo xalay Xarunta Wargeyska Geeska Afrika ay keeneen laba haween ah oo qoyskeeda ah, ayaa sheegtay in ninka garaacay oo ay gurigiisa ka shaqeynaysay hal maalin uu garaacay isaga oo ku eedeeyay Mobile uu guriga ka waayay, taasina keentay in isaga oo taageero ka helaya xaaskiisa uu budh ku garaaco, iyada oo tilmaantay in habeen hore 4:00 habeenimo uu gaadhi ku geeyay saldhiga Xaafadda New Hargeysa, si uu u xidho, balse ay ciidamada boolisku geeyeen cisbitaalka guud ee Hargeysa, markaa ka dibna la geeyay gurigooda, iyada oo aan ninkiina loo xidhin, dhaawacyadeedana aan waxba laga qabanin.

Falkan oo ah mid ku cusub Somaliland isla-markaana ah fal fool xumo ku ah dhaqanka iyo dadnimada ayaa waxa iyaguna ka hadlay laba haween ah oo qoyska Siraad ah, waxayna iyagu si gaar ah cabasho uga muujiyeen sababta booliska, gaar ahaan ciidamada saldhiga booliska ee xaafadda New Hargeysa u soo xidhi waayeen ninka falkan u geystay inantan yar ee Caarka ah.

Labada haweenka ah, ayaa sheegay in gabadha yar guriga la keenay afartii habeennimo, iyada oo aan kabp iyo Shalmad midna sidan, waxayna hooyooyinkani cabasho xoog leh ka muujiyeen falka lagula kacay gabadh yar oo ay sheegeen inay tahay Agoon.