Halkan Ka Akhriso Qaybta Labaad Ee Maansadii Kululayd Ee Abwaan Axmed Aw Geedi

0
712

aw“Dulmiyoow na soo dhaaf, dayaxaagii wuu dhacay, digo-rogo habaaroow, dibna hanoogu soo noqon” Qaybtii  2aad

Hargeysa(Geeska)-Akhristayaal, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybta labaad ee maansadii uu Abwaan Axmed Aw Geedi habeen hore soo bandhigay,taas oo uu si kulul ugu dhaliilay xukuumadda Somaliland. Maansadaas oo ah mid miisaan suugaaneed leh ayaa soo jiidatay dareenka shacabka. Wuxuu Abwaanku yidhi 

Weligii dalaan-dalin

 

Rabow waxa I daashadey

Dibi gees biciid loo

Marku maalmo doog cuno

Ku durduriya maatida

Iyo daaco good laha

Doxosh waayo qooqiyo

Awr dabar la’aan dhacay

 

Rabow waxa I daashadey

Marti aad daryeeshoo

Dar illaah u soortoo

Markay diifti reebeen

Reerkii ku duuloo

Maalkii dareersaday

 

Rabow waxa I daashadey

Damiir beec u yaaliyo

Duul la soo kireystiyo

Daba-gaab ciyaartiyo

Haween tuma durbaankiyo

Guulwadow na daadihi

 

Raboow waxa I daashadey

Dig dig aan wax tari hayn

Kolba doorashiyo been

Qanjo diid kudkana doon

Nin danliyo durduradii

 

Rabow waxa I daashadey

Golayaal dihaal qaba

Oo gacalkii doortiyo

Shicibkii dafirayoo

Xaq dabool la jaaloo

Samayihii la diidiyo

Madharaari duubtoo

Oo boqor diqyaanuus

Sandareerada u qabo

 

Rabow waxa I daashadey

Golayaal distoorkii

Xeerkiyo dadnimadii

Iyo diintii faasaxay

 

Rawbo waxa I daashadey

Dir cuniyo ruqmo u dirir

Ma qaraare dabato ah

Qawleysatiyo dulin

Dufanliyo afmiishaar

Weeraha dad qaadka ah

Iyo tuug I dala’sada

Ma khajiliyo duuflaal

Iyo reer ma doojaha

Dumarkuun la caytama

 

Rabow waxa I daashadey

Isku diriyo kala dile

Dab sokeeye nagu shide

Deris nabada kala rare

Dermaduu ku leday gube

Mid wanaaga daaf iyo

U yaqaana daacuun

Xumahana ku diirsada

 

Rabow waxa I daashadey

Ilmo socodka diinka ah

Midaan daaqsin maqaleed

Waxba looga diraneyn

Dardartana dhegweyn ka ah

Dul yaraana jinac ka ah

Dayro waalidkii ka ah

Danta xoolo moog ka ah

Bacow doobirtana ka ah

Duunka hoose cadow ka ah

Dalqadana cilaan ka ah

Garashada damiin ka ah

Wax u sheegmo didib ka ah

 

Rabow waxa I daashadey

Nabar aan dawo lahayn

Dalsan aan urshi lahayn

Dar aan oon-tiryo lahayn

Ood aan dudo lahayn

Aqal aan dugsi lahayn

Duqey aan tashi lahayn

Da’yar aan karti lahayn

Duub aan cisi lahayn

Digtoor aan cilmi lahayn

Dayax aan cado lahayn

Dawlis aan side lahayn

Daabad aan hayin ahayn

Ummad aan distooriyo

Dilo khaayin celisiyo

Xakamiyo lahayn dabar

 

Rabow waxa I daashada

Mid dibnaha ka muumina

Qalbigana ka daalina

 

Rabow waxa I daashadey

Mid dulmiga xalaashada

Anna iiga sii diga

Mid sinaanta deydaya

Eexdana dugaashada

Mid iftiinka demiye ah

Anna daarada igura

Mid dirsooca muxarima

Isna diirada u sida

Mid wuxuu dalbado hela

Anna tayda duudsiya

 

Talo waxaad ku deysaa

Hadalkana ku duubtaa

Nin bakhayl damaaciyey

Daahane u fiirsaday

Oo fulayga doqonkii

Daandaansadaan ahay

Anna digasho ma xamilo

Deelqaaf ma qabatimo

Dulinimo ma qaayibo

Waxse biyo ma daadshiyo

Ma dekaame iga dhigay

Waa duruufta lagu jiro

Dantu wey qasbaysaa

 

Afartaa gu’ darariyo

Dirir seerma wediyo

Sida deyrta halalood

Dooxiyo tayaagaha

Cir dalaala qaadiyo

Waqal iyo daruurtii

 

Waa duriyo seben hore

Casar weeye dabadii

Oday daan ciroolii

Idihiisa duuda ah

Mayrac u dabaalkii

Dareen lexojeclo u eeg

Lax duleedka lagu cunay

Dacow aaduyoobiyo

Daaligay guduudane

Daymadii ku suuradi

Kuye, dahabo dhoylaay

Durba tebey gabalo-xiis

Duryanyoo cirka isgee

Sida aar dinaahyee

Doobtiyo xunbada saydh

Dirirna isu waaxwaax

Is-difaacday oo tidhi

Ee hoy dugsiiyow

Daalkiyo haraadkiyo

Golcastaad la diidoo

Waad arag daraysee

Duqdu sumaladaasay

Dacalkooda joogtaa

Galbatadan daraadeed

Loo duray min-weynada

Dayadii cuntaa timi

Dacwadana garsoorka ah

Ku te, hadal badooy daa

Dugtooy saaka caarey

Barqo adhi dareerkii

Waataad dayaantee

Hurdo dakharta khuurada

Kaga dananiyaysee

Been lama dilaystee.

La soco……

 

 

Ha dan seegin bay tidhi

Adiguna ma duuloow

Calaf dug ma yeeshee

Dabaweyn haddaan cunay

Daayin baa I siiyee

Ha dagaalin oorida

Dalaaqdana ha maqashiin

Darantiyo waraabkiyo

Deegaan u raridiyo

Daaq geynta xoolaha

Adba uma dadaashide

Ha deg dhebin qofkay tidhi

Lama dilo haweenkee

 

Waxaan uga danleeyahay

Raga meesi loo diray

Daayacay waxoodii

Ka durduurshay bahalaha

Maxay dooda beenta ah

Muran iyo is diidsiin

Hadalka ugu darayaan

Afartaadar maw xidhay

Ma durduushey sida geel

Hormo kalana soo daa

 

Wuxuu doonayaa gocor

Inuu digo qabowdiyo

Dab bakhtiyey afuufaa

Dakanooyin dhidhiyaa

Dawan cudur istaadhaa

Duufaano kiciyaa

Degelkeena biiyaa