Hargeysa(Geeska):-Wasiirka madaxtooyada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo sheegaya inuu yahay murashax madaxweyne uga dhex tartami doona xisbiga KULMIYE.
Wasiirka madaxtooyada oo shalay safar ugu baxay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, wuxuu ugu horayn faahfaahin ka bixiyay ujeedada safarkiisa, waxaanu yidhi
“Salaan Ka Dib Waxaan u baxayaa safar kooban oo aan ku tagayo Adis Ababa waxaana igaga horeeya wasiirkii arimaha dibada, balan ayaanu halkaas ku leenahay taas oo aanu la leenahay wasiiro ka mid ah dawlada Ethiopia sida wasiirka maaliyada iyo wasiirka hawlaha guud iyo waddooyinka, wasiiradaas waxaanu kala hadli doonaa barnaamijkii wadada Berbera Corridor taas oo shirarkeedu mudo dheer socdeen, shirkaas ayaanan halkaas kaga qayb galayaa dhakhsana waan u soo noqonayaa.”
Sidoo kale wasiirka madaxtooyada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka jawaabay su,aal laga waydiiyey hirdanka siyaasadeed ee la sheegay inuu ka dhaxeeyo wasiirka duulista ee uu dhawaan sheegay boqor Buurmadow waxaanu yidhi “Boqorku waxa uu ka mid yahay boqorada Somaliland laakiin marka ay timaado siyaasadi, siyaasada waxaynuu samaysanay xisbiyo ee reero umaynaan samaysan reerana waa wixii aynu ka guurnay, Kursiga madaxweynuhuna maaha kursi banaan oo Somaliland ka dhaxeeya balse madaxweynahayaga ayaa ku fadhiya isaga ayaanan kula shaqeeyaa oo aan ku dhisayaa, mustaqbalkana hadday timaado siyaasada maxaad yeeli doontaa maalintaas iyo warkeeda, hadday noqoto han ma leedahay maalintaas iyo warkeeda aan gaadhno wixii joogana waynu u wada taagnaan, laakiin hadday noqoto inaan damac yeesho markaan la tashado dadkayga ee ay ku qancaan dadka wixii aanu talo wadaagnaa, laakiin maanta lama joogo, nin kaanbayn guryo ku dhuunta ma ihi hadaan kaanbayn galayana waan cadeeyaa markaan kaanbaynka galana sanqadhaydu aad ayey u weyn tahay ee ma ihi dadka sanqadhoodu hoosayso ama saamayntoodu yar tahay.”
Dhinaca wasiirka madaxtooyada somaliland waxa uu ka hadlay xaalada gobolka Buuhoodle isaga oo sheegay ka hadlay hirdanka siyaasadeed ee halkaasi ka taagan waxaanu mar kale yidhi “Deegaanka Buuhoodle waa deegaan Somaliland maantana waxa ku sugan wasiirka caafimaadka oo aad ugu hanbalyeynayaa waanay jiraan hirdanka siyaasada ee inoo dhaxeeya gobolada inagu xeersan ee ay ka mid tahay Somaliya laakiin cidi iskuma hayso xuduuda Somaliland waxanaan mar walba aaminsanahay inay Buuhoodle dalkayagii iyo dadkayagii tahay, wixii kale ee deel qaaf ah ee lala yimaado ee hub iyo rasaas ah iyo abaabul ah waan ka soo horjeednaa waanan ka digaynaa waxaanan leenahay umada nabadeeda haloo daayo.”