Dooxa (Geeska)- Haayadda samofalka ee Sheekh Ciid ayaa ku dhawaaqday bilowga mashruuc ay u bixisay “Waxbarashadu Waa Nolol” oo la doonayo in afka Ingiriisiga si tayo sare leh loo baro 500 oo ah wiilal iyo gabdho ka mid ah carruurta agoonta faqiirka ah ee Somaliland.
War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska A-Sharq oo ka soo baxa dalka Qatar ayaa uu agaasimaha fulinta ee waaxda mashaariicda dibadda ee haayadda Ciid Al-Khayriya Cali Bin Khaalid Al-Haajiri ku sheegay in mashruucan “Waxbarashadu waa nolol” ee loogu talogalay ardayda agoonta danyarta ah ee Somaliland uu qayb ka yahay Istaraatijiyadda iyo dadaalka haayaddiisu ay ku doonayso in ay horumariso mashaariicda waxbarasho ee dalalka Qaaradda Afrika, qaybna uu ka yahay barnaamij dhamaystiran oo la doonayo in agoomaha laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho tayo sarraysa isla markaana la barbar wado kor u qaadista kafaalo-qaadasho iyo daryeel bulsho, dhaqaale iyo barbaarineed oo u qalma.
Sababta haayaddu Ingiriisiga ku dooratay:
Warkan uu Geeska Afrika soo turjumay oo arbacadii ku soo baxay wargeysa A-Sharq ayaa uu agaasime Al-Haajiri ku sheegay in waxbarashadu ay tahay caqabadaha iyo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee hortaagan agoonta Soomaalida.
Inta badan xarumaha agoomaha ee ugu fiican waxaa carruurta wax lagu baraa Afsoomaali ama Afka Carabiga, tiro aad u yar ayaana lagu dhigaa Afingiriisi, sidaa awgeed ardaygu waxa uu ka soo qalin jebinayaa dugsiyadan oo ku badan dhulka Soomaalida isaga oo aan mustaqbal lahayn.
Waayo?
Al-Haajiri waxa uu sheegay in mushkiladdu ay ka imanayso, jaamacadaha dalka oo waxbarashadoodu ku baxdo Afka Ingiriisiga sidaa awgeed uu dhigan kari waayayo ardaygii agoonka ahaa ee Afka Carabiga ama Soomaaliga wax ku soo bartay. Haddii uu dugsiga sare oo keliya ku ekaadana ay u dhowdahay in aanu helin shaqo ku habboon, Afingiriisiga aanu garanayn awgii. Shaqo la’aantaasina waxa ay culays ku tahay bulshada, waxa aanay keenaysaa in ilmihii agoonka ahaa ee lagu soo tabcay markii uu waxbartay uu heli kari waayo nolol maalmeedkiisa iskaba daa in uu qoys dhisto ama ka qayb qaato horumarinta bulshadiisa iyo kor-u-kaceeda.
Muddada mashruuca “Waxbarashadu waa nolol”
Agaasime Al-Haajiri waxa uu sheegay in mashruucani uu yahay waxbarasho xooggan oo tayo sarraysa in la siiyo 500 oo arday wiilal iyo gabdho isugu jira ah, kuwaas oo ka mid ah agoonta faqiirka ah ee Somaliland, waxa aanay waxbarashadani noqonaysaa fasalka koowaad illaa fasalka Afaraad ee dugsiga sare, oo ardaygu uu maalin kasta laba saacadood qaadanayo duruus afka ingiriisiga ah oo ay bixinayaan macallimiin takhasus ku Afingiriisiga, isla markaana loo samaynayo barnaamij dhamaystiran oo ardaydan u suurtogelinaya in ay Afingiriisiga u bartaan si tayo sare oo aad u fiican leh, kana bad-qabta afkaarta xun iyo caqiidooyinka wax burburinaya, ujeedkuna yahay in ardaygu marka uu waxbarashadaa dhamaysto si toos ah u geli karo Jaamacadaha iyo kulliyadaha Soomaalida si uu waxbarashadiisa u sii dhamaystirto, kadibna naftiisa ugu filnaado bulshadana ugala qayb qaato horumarka iyo kor-u-kaca dhammaan dhinacyada cilmiga iyo farsamadaba.
Al-Haajiri waxa uu sheegay in kharashka mashruucani ku bixinayo barashada afka Ingiriisiga ee arday kasta oo ka mid ah 500 ee arday uu muddadaa Afarta sano ah isku noqonayo lacag u dhiganta 1’125 doolar, guud ahaan lacaga ku baxaysa 500 ee agoonta ahina ay afarta sano noqonayso, 576’680 (Shan boqol, toddobaatan iyo lix kun, iyo lix boqol iyo siddeetan)
Ugu dambayntii Al-Haajiri waxa uu sheegay in ay si xawli ah u kordhayso tirada carruruta agoonta ah ee Soomaalidu, sababahana ay ka mid tahay colaadaha, cudurrada faafa iyo duruufaha nololeed ee adag oo galaafta nolosha waalidiin badan, iyada oo aanay jirin adeegyadii caafimaad ee muhiimka ahaa iyo daryeelkii bulsho. Sidoo kale gacantii dawladnimo oo aan jirin iyo xarumaha daryeelka agoonta oo yar awgeed ay dhibaatadu soo kordhayso. Waxa aanu dadka dalka Qatar shakhsiyaad iyo haayadaba ugu baaqay in ay taageeraam mashruuca ay haayaddiisu waddo ee lagu gacan qabanayo agoonta Somaliland.