“Guurtidu Ha Samayso Sannad Iyo Badh Muddo Kordhin Ah”Murashax Maxamed Xasan Finad

0
720

Hargaysa:(Geeska)-Dr.Maxamed Xasan Finad ahna musharax u taagan gollaha wakiiladda Somalilad,ayaa waxa uu warqad-furran iyo tallo-soo-jeedin xambaarsan  u diray Gollaha Guurtidda Somaliland.

Dr.Finad,ayaa ugu baaqay Mudanayaasha gollaha guurtidda in iyadda oo la-eegayo xaaladda abaareed ee uu dalku galay oo ay caddahay in aanay Doorashadda Madaxtooyaddu ku qabsoomahayn xiligii loo qorsheeyay ay fidiyeen xiligga Doorashadda,isla-markaasna ay ku daraan Sannad iyo Badh,si isku-mar ay u dhacaan Doorashadda

Madaxtooyadda,Wakiiladda iyo Gollaha Deegaanku.Waxa kale oo xusay in Wakhtiggaas sannadka iyo badhka ay lagu xallin-karo Murranka ka taagan saammi-qeybiga Kuraasta Gollaha Wakiiladda oo uu Madaxweyne Siilaanyo guddi kasoo tallo-bixisa u saaray.

Dr.,Maxamed Xasan Finad,ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray,kaas oo u dhignaa sida tan; “

Warqad furan,

Golaha guurtida somaliland
“Iyadoo aynu ognahay xaalada abaareed ee dalkeena ku habsatey iyo wakhtiga doorashada oo ku beegmey, iyadoo loo daneynaayo dad iyo duunyaba waxaan soo jeedinaya in wakhtiga doorashada la fidiyo sanad iyo lixbilood si Mar loo wada qabto madaxtooyada,wakiilada iyo golayaasha deegaanka oo wakhtigoodu ku dhanyahay 2018, waa in doorashada la qabtaa 2019 Jun. madaxweynaha dalkuna saaro gudidii uu ku baaqay ee saamiqaybsiga gobolada dalka, diwaan gelintii dalkuna faaiido u noqoto doorashooyinka soo socda, dalkuna ka baxo sadex doorasho oo marba mid la qabto”.

ALLAH Mahad leh.

Dr.Maxamed Xasan Finad