Dal baabu xukumaayee,
Qaar daaqi xoolaha,
Dekddiyo madaarki,
Iyo dawladnimadi
Sarriftaa ka daba yimid,
Oo sida dawaarlaha
Ninba dhan u dilaacsadey
Wa gabaygi AHN Gaarriye” daba taxan 1997”
Somaliland waxey u diyaar garowbeysey in doorashada madaxweynaha, ku xigeenkisa iyo golaha wakiiladda dhacdo 26juun 2015 iyado madaxweyne Silaanyo balanqaadey mar walba u la hadlo saxaafadda ,golaayaasha sharci dejinta inaanu maalin qudha dhaafineyn xiliga doorashadu dhaceyso ee 26 juun 2015 .Waxa kale aynu wada oggsoonahay in golaha wakiilada muddo dhaaf yahey oo la doortey September 2005,golaha guurtiduna aan marna ba la dooran , badankooduna ku joogaan dhaxaltooyo aabayaashood ka dhaxleen . Haddaba iyado xukuumadda Silaanyo, seddexda xisbi siyaasadeed ee S/L Ucid,Waddani iyo Kulmiye ka faa ‘ideysanaya khaladaadki ka dhacey doorashadi golaha deegaanka 2012 ayey ku heeshiyeen (kaabis wax ka bedel xeerka doorashada 20/2001) in ka hor doorashooyinka soo socda la sameeyo diiwaangelinta codbixiyaasha, beesha caalamkuna waxey diyaar inoola aheyd in 75% innaga caawiso kharashka ku baxeya oo qiyaas ahaan toban million US dollars.Haddaba halki xukuumadda Silaanyo ay hore ugu soo gudbin laheyd golaha barlamaanka xeerka diwaangelinta codbixiyaasha iyado aynu wada oggsoonahey in kulmiye aqlabiyad ku haysto labada aqal ee barlamaanka , wuxu doonana ka ansixin karo ayu 2014 keeney barlamanka xeerki cod bixiyaasha iyo xeerki diwaangelinta madaniga (civil registration ) Waxaanu khasab kaga dhigey muwaadininta reer S/L in marka hore ay qaataan cardka diwaangelinta madaniga arrintaas oo ila maanta fari ka qodneyn marag ma doontana u ah in Silaanyo u waqtiga luminaayo si u muddo kordhin u dalbado.Waxa kalo aynu oggsoonahey in marki la ansixinaayey guddida doorashada ee cusub in aqlabiyadi wakiilada ee kulmiye ay fadhigi muddo iman waayeen.
Markay u caddaatey guddiga doorashada in waqtigi doorashadu dhaw yahey iyo qabyada meesha taal ayey soo saareen go’aan ay ku caddeynayaan in doorashadu aaney waqtigeedi 26 juun 2015 ku qabsoomeyn ee ay ku qabsoomeyso November 2015 +lixda bilood ee sharcigu jideeyey iney ka dambeyso diiwaangelinta.Taasoo noqotey 1juun 2016 .
Haddaba iyado shacabka Somaliland wada xasuusan yahey sida adag ee madaxweyne Silaanyo uga soo horjeedey muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Rayaale waqtigi u mucaaridka aha aya maanta qawadey muddo kordhinta hore isago ganafka ku dhuftey soo jeedinti beesha caalamka in aan waxba laga beddelin waqtiga dambey doorashada 1 juun 2016 ,waxaanu Silaanyo dhaqdhaqaajiyey guurtidi iyo Saleebaan oo ku dhawaaqdey muddo kordhin cusub oo ah 28 April 2017 .Taas oo ka cadheysiisey shacabka S/L guda iyo debed ba iyo beesha caalamka oo laga yaabo iney tallaabo siyaasadeed, dhaqaale ka qaaddo xukuumadda Silaanyo . Waxa xusid mudan in madaxweyne Rayaale ee u madaxweyne Silaanyo aad u dhaliili jire inu si nabad ah qabtey afar doorasho, December 2002 golahi deegaanka,April 2003 doorashadi madaxtooyada,September 2005 doorashadi golaha wakiilada iyo 2010 doorashadi madaxtooyada,halka madaxweyne Silaanyo shan sannadood gudahood qabtey hal doorasho 2012 golaha deegaanka oo aheyd doorashadi abid ugu xumeyd ee dhiig ku daato .
Alla mahad leh,
Eng. Bashe Cabdi Gaboobe