Waa qoraallo wacyi-gelin ah oo ay iska kaashadeen Komishanka Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka (NHPC) iyo Wargeyska Geeska Afrika… Q:11ad
Hargeysa (Geeska)- Muddadii uu socday taxanaheenan wacyi-gelinta ahi waxa aynu kaga soo hadalnay mawduucyo tiro badan oo ay ka mid yihiin: Faafaahinta iyo ka waramidda waxa uu yahay Komishanka Qaranka ee Mihnadaha caafimaadka, faa’idooyinka uu u leeyahay bulshada dal kasta oo ay joogaanba, gaar ahaan dadka reer Somaliland ee hadda uun bilaabay jidkii horumarka in ay ku tallaabsadaan, dibna u dhisaan hay’adihii adeegga bulshada ee uu caafimaadku ka mid yahay, si loo helo qaab loo xakamayn karo mihnadaha caafimaadka, taas oo ah in la hubiyo aqoonta dhakhtarka uu muwaadinku shimbirka uga raadinayo xanuunka haya, qalabka shaybaadh iyo mihnadlayaasha caafimaad ee shaybaadhka ku shaqaynaya aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda, in dawada tayadeeda la dhowro lana hubiyo aqoonta u dawada u leeyahay ruuxa iibinaya ama ka masuulka ah rugta dawada lagu iibiyo ama lagu qaybiyo, waxaa iyaduna raacaysa in la hubiyo aqoonta iyo waayo-aragnimada kal-kaaliyaha caafimaad ee u adeegaya ruuxa bukaanka ah.
Ugu dambayntiina Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadku meelaha kale ee uu xilku ka saaran yahay in uu ogaado ama la socdo waxa ka dhacaya iyo sida ay uga dhacayaan, waxaa ka mid ah cisbitaallada, rugaha caafimaadka cilmiga ah iyo kan dhaqanka ah labadaba, Farmasiyada iyo meherad iyo shakhsi kasta oo si toos ah ama dadban u qabanaya adeeg ama hawl iyo ganacsi la xidhiidha mihnadaha caafimaadka. Waxaa uu waajib ka saaran yahay in uu hubiyo, in goobta caafimaadku u qalanto shaqada ay qabanayso, in ay diiwaan-gashan tahay, dadka ka shaqeynayaana diiwaangashan yihiin, qalabka ay adeegsanayso goobtu iyo mihnadlayaasha ku shaqaynayaana ay leeyihiin aqoontii iyo tayadii looga baahnaa.
Sida aynu hore u soo xusnay, Komishanka NHPC oo la aas-aasay sannadkii 2001da muddo ayaa ay ku qaadatay in uu ka soo tallaabo caqabado badan oo hor yaalla waajibaadka qaran ee culus ee loo unkay in uu wax ka qabto, laakiin waxaa guul ah in aakhirkii uu caqabadahaas ka soo gudbay, illaa maantana uu ku tallaabsaday guulo wax-ku-ool u ah qaranka Somaliland; wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta si kooban u dul marayaa tirada guulaha la xusi karo ee uu Komishanku ku tallaabsaday, muddadii uu hawlihiisa dardar geliyey. 5tii Bishii Lixaad 2013ka ayaa uu madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici si heer qaran ah u daahfuray Komishanka Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadka, waxa aanu munaasabaddaas si qoto dheer ugaga hadlay baahida weyn ee dalka iyo muwaadiniintu u qabaan hawlaha uu qabanayo Komishankan oo marka magaciisa afka qalaad lagu soo gaabiyo noqonaya NHPC. Maamulka iyo masuuliyiinta Komishanka Qaranku iyaga oo ka faa’idaynaya wax-ka-beddelkaa lagu sameeyey xeerka uu Komishanku ku dhisan yahay, nidaaminta sharci ee loo sameeyey iyo dib u curashadaas uu madaxweyne ku-xigeenku xadhiga ka jaray waxa uu dib u dardar geliyey hawlihii Komishanka. Taas oo u suurtogelisay in uu guulo la taaban karo ka gaadho waajibaadkiisa shaqo, guulahaas oo ay ka mid yihiin:
1. Komishinka qaranka ee mihnadlayaasha Caafimaadku waxa uu gacan ka geystay in golaha wakiillada Somaliland wax ka beddel iyo kaabis (amendment) ku sameeyo xeerka uu Komishanku ku dhisan yahay ee xeer Lr. 19/2001, taas oo uu goluhu ansixiyey isla markaana madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland qalinka ku duugay bishii Koowaad ee 2003dii.
2. Komishanka NHPC waxa uu ku guulaysatay in dhammaan gobollada Somaliland laga fuliyo wacyigelin balaadhan oo ku aaddan, waajibaadka shaqo ee komishanka loo xilsaaray, iyo muhiimadda ay leeday in la diwaangeliyo dhammaan mihnadaha iyo mihnadlayaasha caafimaadka ka jira Somaliland, si kor loogu qaado heerka adeegga caafimaad ee uu helayo muwaadinku.
3. Komishanku waxa uu ku guulaystay in uu qoro Hab-raacyada loo marayo waajibka shaqo ee, Shuurcda iyo siyaasadaha diiwaangelinta mihnaha iyo mihnadlayaasha caafimaadka, kuwaas oo ay mari doonaan laguna dhiqi doono dhammaan Mihnadaha caafimaadka ee dalku.
Sidoo kale waxaa la dajiyey xeer-hoosaadyada Komishanka mihanadaha caafimaadka, iyada oo la waafajiyey Xeerka Mihadaha caafimaadka ee Xeer Lr. 19/2001.
4. Waxa la sameeeyey guddida iyo guddi-hoosaadyada koomiishanka, sidoo kale waxa uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud magacaabay gudoomiye iyo gudoomiye ku-xigeenka komishanka kuwaas oo dhamaystir fiican u noqday habsami u socodka shaqo ee uu Komishanku ku gudanayey waajibaadkiisa.
5. Komishanka Mihanadaha caafimaadku waxa uu ku guulaystay in uu bilaabo diiwaangelinta mihdanlayaasha caafimaadka ee muwaadiniinta Somaliland ah, waxa aanu diiwaangelin horudhac ah ka sameeyey Shanta gobol ee ka baxsan caasimadda, kuwaas oo kala ah (Togdheer, Sool, Sanaag, Saaxil iyo Awdal), waxa dhaqso u diiwaangelintaas uga bilaabayaan gobolka Maroodi-Jeex oo ay ku jirto Gabiley, oo isagu ka ballaadhan, tiro ahaanna ka badan kuwa kale.
Tirada mihnadlayaasha caafimaad ee uu Komishanka NHPC ku diiwaan geliyey barnaamijkaas horudhaca ah ee gobolladu waa 834 oo ruux oo ah mihnadlayaal caafimaad oo isugu jira dhakhaatiir, Kal-kaaliyeyaal caafimaad, Shaybaadhlayaal, Umulisooyin iyo Farmasiilayaal.
6. Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadku waxa uu diiwaan geliyey 51 Dhakhaatiir ajaaniba ah, kadib markii uu hubiyey shahaadooyinkooda dhakhtarnimo iyo taariikhdooda mihnadda.
7. Komishanka Mihnadaha caafimaadku waxa uu muddadaas ay hawlihiisu dib u bilowdeen qiimayn iyo tayo-hubin ku sameeyeen, kadibna diiwaan-geliyeen 12 xarumood oo isugu jira cisbitaallo iyo xannaanooyin lagu bixiyo adeegga caafimaadka.
8. Komishankanu waxa uu diiwaan geliyey 5 ka mid ah xarumaha lagu barto caafimaadka, kuwaas oo isugu jira jaamacado iyo Maxaddo, kadib markii uu tayadooda hubiyey, kuna qiyaasay hal-beegga shuruucda uu komishanku ku shaqeeyo.
9. Komishanka waxa uu sameeyey nidaam Internet ka ah (Online) oo la gelinayo dhammaan mihnadlayaasha caafimaadka ee la diiwaan-geliyo. Habkan casriga ah ee uu Komishanku wadaa waxa uu saamaxayaa in qofku meel kata oo uu joogaba si sahal ah internet ka uga hubsan karo in mihnadlaha caafimaadka ee uu xanuunkiisa ula tegeyo ama dawada u doonanayaa uu leeyahay aqoontii iyo waayo-aragnimadii ku haboonayd kana diiwaangashan yahay Komishanka Qaranka ee Mihnadaha caafimaadka, habkan casriga ah hawlgelintiisa rasmiga ahi waxa ay qorshaysan tahay bisha foodda inagu soo haysa ee July 2014.