Guddoomiye Muuse Biixi Oo Guddoomiye Cirro Ku Eedeeyay Inuu U Joojin Waayay Xildhibaanadii Reer Awdal Ee Fadhiga Golaha Ka Dareeray

0
556

Muuse1Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa guddoomiyaha golaha wakiilada ku eedeeyay inuu u joojin waayay xildhibaanadii gobalka Awdal ee dhawaan ka dareeray fadhigii golaha wakiilada ee loogu codaynayay ajandaha kalfadhiga oo uu ku jiray qodob ku saabsan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo ay xildhibaanadu tabasho ka muujiyeen.

Md. Biixi oo xalay u waramay telefishanka HCTV, wuxuu sheegay inay ahayd in guddoomiyaha golaha wakiiladu fadhiga hakiyo oo uu xildhibaanada qanciyo “Saami qaybsigaa golaha wakiilada ee aad i waydiisay horta mid ayaan meesha qaban, golihii wakiilada horta waxaa ka baxay oo ka dareeray goboladii Awdal iyo Salel, waxay ahayd ilayn waxaa cadhooday gobolo dhan’e inuu goluhu dhexdiisa isku joojiyo oo nimankii laga daba tago oo la soo fadhiisiyo oo wax lays waydiiyo. Maaha majoorati ayaa fadhiya markay gobolo dhani maqan yihiin sidee ayey noqonaysaa waxa aka soo baxaa?.

Tan oo kale hore ayey u dhacday markii xeerkan imika yaala ee la waday sidaas oo kale ayey qolada reer Awdal iyo Salel uga baxday, Qaybe ayaana gudoomiye u ahaa oo wuu joojiyey shirka ilaa lagu qancinaayey inay ku soo noqdaan.

Taasi horta waxaan leeyahay waa qalad uu galay shirgudoonku, gaar ahaana gudoomiyaha golaha wakiilada, waxaan leeyahay may ahayn inuu shirka sii wado, waxay ahayd haddii xildhibaanada intaa leegi ka maqan yihiin oo waliba isku wada gobol ahi, qalad ayaan u arkaa inuu shirka sii wado, maaha waa sharci, iyada kama hadlayno, laakin waxaan ka hadlayaana waa siyaasad, wada tashi, isku joojin iyo in lays dhagaysto oo wanaagan”.