Guddoomiye Cirro Oo Xisbiga Waddani Xilal Uga Magacaabay Siyaasiyiin Reer Hargeysa

0
563

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xilal u magacaabay saddex siyaasi oo dhalinyaro ah oo dhawaan ku biiray xisbiga Waddani, iyagoo taageerayaashoodii wata.

1

Guddoomiye Cirro, wuxuu siyaasiyiintan oo reer Hargeysa ah, gaar ahaan degmada Axmed Dhagax u magacaabay xilal kala duwan.

Saddexda xil ayaa kala ah

1. Ibraahim Daahir Dubad oo loo magacaabay xoghayaha tiknoolajiyada iyo isgaadhsiinta

2. Maxamed Cabdillaahi Jaamac oo loo magacaabay ku xigeenka hanti dhawraha guud ee xisbiga

3. Khadar Cismaan Cilmi (Budle) oo loo magacaabay xoghayaha difaaca xisbiga Waddani.

Wuxuu Cirro raggan ka codsaday inay deg deg u bilaabaan hawlaha xisbiga, isagoo dhinaca kale xisbiga Waddani ka codsaday inay la shaqeeyaan siyaasiyiintan.