Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in la doonayo in Hantida Umadda la boobo, cid gaar ahna lagu wareejiyo.
Xildhibaan Axmed Yaasiin oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale ka hadlay gacan ka hadalkii dhex-maray Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo ku xigeenkiisa, waxaanu sheegay in Cabdiraxmaan Cirro uu muujiyey kalsooni iyo daacadnimo, sidoo kalena uu muujiyey inuu u qalmo Madaxweyne, waxaanu yidhi “Maanta waxa uu Baashe Maxamed Faarax (Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada), halkaa ka sameeyay, Ummaddi waxay sharci ku tahay kala dambayn weeyaan. wuxuu ku tuntay sharcigii waxaanu ognahay waxa la sameeyay,waxa la boobayaa waa Xoolihii Ummadda ee laga qabtay gacantii ganacsiga gaarka loo leeyahay, ee ay ku faanayeen inta haamood ee hagaagay,ee ay ku faanayeen sida ay u hagaajiyeen inay maanta dib u baabinayaan baanu u aragnaa, hana yeeli mayno.”
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa mar uu ka hadlaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxa uu yidhi “Hantidda Ummadda waa la badbaadinataa, Guddoomiye Cirro-na maantuu muujiyay inuu Madaxweyne u qalmo.”