Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Hargeysa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay

0
679

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha gollaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) & wefti uu hoggaaminayo oo u maal-mihii u dambeeyey socdaal shaqo ku maraayey degaanada gobolka Tog-dheer, kaas oo la magacbaxay SAMA-WADE” ayaa Shalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa.

1111111111111

Guddoomiye Cirro iyo waftigiisa ayaa si balaadhhan loogu soo dhaweeyey duleedka bari ee magaalada Hargeysa,waxaana laga soo gelbiyey Tuullada Burcada ilaa xarunta guud ee Xisbiga WADDANI,waxaana ka qayb-qadanayey soo

dhaweyntaa  masuuliyyiinta Xisbiga WADDANI, Xildhibaano iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI,kuwaas oo sitay Calanka Jamhuuriyada Somaliland iyo astaamaha u gaar ka ah Xisbiga WADDANI.

Md C/raxmaann Cirro iyo waftigiisu waxay ku hakadeen kaantaroolka bari ee maagalada Hargeysa “Tuullada Halaya”,halkaasi oo uu Md Cirro  ku salaamay taageeraayaa tiro badan oo sitay sawirradiisa iyo astaan Xisbiga WADDANI, isla markaana wuxuu halkaasi ka jeediyey khudbad kooban oo uu ugu mahadnaqayo dad weynaha soo dhaweeyey iyo shacabka reer Tog-dheer  oo uga mahadceliyey intii ay ku sugnaayeengobolkaasi sida heerka sare ah ee ay u qabileen,isla markaanna u soo sabootiyeen saaka oo uu Burco ka soo jarmaaday.

Guddoomiye Cirro oo dad weyne aad u tirro badan kulla haddlay tuulada Halaya  dulleedka bari ee Hargeysa wuxuu haddalkiisa “shacbiga Reer Hargeyysa iyo Halaya waxaanu uga mahadnaqaynaa sida diirann ee ay noo soo dhaweyeen, dhammaan dhalinyarada iyo

haweenka,salaadiinta,Ma’suuliyiinta xisbiga iyo shacbiga, ee aan u kala hadhi soo

dhaweyntayada,wey mahadsan yihiin,Waxaanu ku maqnayn safar shaqo,oo aanu ugu baxnay gobolka Tog-dheer,oo aad ka war-qabtaan inay ka bilaamata diwaagelinta,taas oo ah hawl qaran,oo gobolada kalena sugaysa,waxaanu ku faraxsanahay oo ididiilo weyna na gelisay wixii aanu ku soo aragnay,waxaanu ku faraxsanahay sidii ay shacabka reer Tog-dheer ugu diyaar garobeen diwaangelinta,”Ayuu yidhi Cirro

Dhanka kale Guddoomiye Cirro ayaa ka haddlay abaaraha baahsan ee dalka ka jira waxaanu ugu baaqay xukuumadda iyo shacabka in loo gurmada “illaahay madar khayr qaba ha –ina siiyo,Xukuumadda iyo shacabka waxaan ugu baaqayaa in dadka abaaru sameeyeen loo gurmado,waxaanu soo aragnay mujaahidiin ilaa 1991 xanuusanayey oo aan cidina bookhan,qarankana waxaanu ka codsanaynaa in loo

gurmado,shacabkana waxaanu ka codsanaynaa inay mujaahidiintaa u gurmadaan.

Guddoomiye Cirro wuxuu haddalkiisa ku soo gunaanadaya sicir bararka iyo saru kaca maceeshada,waxaanu ku baaqay in la jebiyo

maceeshada”Xukuumaddu waxay tidhi lacagtii hoos ayaa loo dhigay,laakiin raashinkii ayaa la qaali gareeyey,sicir bararka hoos ha loo dhigo.”