Guddoomiyaha Waaheen Oo Ka Qayb Galay Shirkii Madaxda Saxaafada Ee Senegal

0
821

xuuutoSenegal(Geeska) Shirkii Hogaamiyayaasha Suxufiyiinta Afrika uga socday Dalka Senegal Caasimadaiisa Dhakaar ayaa la soo gabagabeeyay kadib markii ka soo qayb galayaasha Shirkaas oo ka koobnaa in ka badan Afar boqol oo Suxufi iyo Madaxda Dalalka Turkiga iyo qaar ka mid ah Dalalka Afrika Dood adag ka yeesheen Mustaqbalka Saxaafadda Afrika iyo Loolanka ka taagan isbedeladda ay ku soo kordhiyeen saaxadda Socail Media.

Kulankan oo laba maalmood oo joogta ah Socday Madaxda ka soo qayb gashay Waxa ka mid ahaa Raysal wasaare ku-xigeenka Dalka Turkiga oo Heshiis wada shaqayneed la saxeexday Hay’adda AMI oo ah Xarunta soo qaban qaabisay Forum-kan ay Suxufiyiinta Afrika Sanadkiiba mar ku kulmaan, sidoo kale Raysal Wasaaraha Dalaka Senegal ayaa furay shirkaasi, halka Madaxweynaha Dalkaasina xafladii Xidhitaanka uu Suxufiyiinta kula yeeshay Dood adag oo ku wajahnayd mustaqbla Afrika ee dhinacyada Saxaafadda, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Xuquuuqal Insaanka.

Sidoo kale waxa ka soo qayb galay wasiiradda Warfaafinta ee Dalalka Marooko iyo Maali waxaanay si adag uga hadleen Doorka looga baahan yahay Suxufiyiinta Afrika inay uga qayb qaataan sidii Qaaradu u noqon lahayd mid isku xidhan oo ka baxda dibu-dhacyada ragaadiyay, waxaanay ka warameen sida ay saxaafadda dalalkoodu u shaqeeyaan iyo taageeradda ay siiyaan.

Baanka Adduunka, ka Afrika iyo Shirkaddaha Isgaadhsiinta ayaa iyana Bahda Saxaafadda Afrika kulankan kala qayb galay, waxaanay u balanqaadeen inay ka taageeri doonaan Maal-gelinta, Aqoon korodhsiga iyo Loolanka saxaafadeed ee loo baahan yahay Afrika inay waajahdo si ay u Horumariso Hay’adaheeda Warbaahineed.

Mo Ibrahim Foundation Xarun la yidhaahdo ayaa iyana ku soo bandhigtay Daraasad ay ka samaysay Horumarka ay Afriki ku talaabsatay lixdii sano ee ugu danbeysay waxaanay xogo ay ka soo Ururisay mashaariic kala duwan oo ka hirgalay ku sheegtay inay Galbeedka, Koonfurta iyo Bariga Afrikiba Guulo la taaban karo ka gaadheen dhinacyada Caafimaadka, Dhaqaalaha, Xuquuqda Aadamaha iyo Maamul wanaaga Dalalkoodaba.

Thabo Embeeki Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu sharfay Abaal marinta Sanad kasta Forum-ka saxaafaddu bixiyo, kaasoo uu soo diyaariyay Mo Ibrahim Foundation, waxaanay xuseen Taabo inuu meel mariyay Maamul wanaag iyo Horumar.

Kulankan oo ahaa kii shanaad ee ay isugu yimaadaan suxufiyiinta Afrika waxa uu ahaa kii ugu balaadhnaa ee ay ka soo qayb galaan suxufiyiinta Afrika waxaana lagu tilmaamay Mashruuc si xawli ah u socda oo ay Suxufiyiinta Afriki isku xog waraystaan isla markaana ay isugu gudbiyaan kolba waxa ku cusub Afrika.