Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka hadlay labada maalmood ee Xuquuqal insaanka iyo la dagaalanka musuqa oo ku kala beegnaa Sabtidii shalay iyo Jimcihii toddobaadkan.
Aadan oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in ilaalinta xuquuqal insaanku ay tahay waajib saaran qaranka, “Xuquuq horta yaa difaaca. Waxa ah qaranka, hay’adaha qaranka ayaa xuquuqda waxna difaaca waxna bixiya waxna ilaaliya, waa saddexdaas nooc. In xuquuqaha la bixiyo ayaa difaaca ka horaysa oo qarankaa laga helaa shaqo abuur, nabadgeliyo, meel uu qofku dego, markaas intaan difaaca la gaadhin yaa xuquuqda bixiya. Qarankaa bixiya.” ayuu yidhi Aadan oo intaas raaciyay “Markay difaaca noqotana cidda koowaad ee laga filayaa waa hay’adaha distoorka qaranka oo marka imika xaqaaga lagu xad gudbo waxa ku difaacaya oo laga bilaabayaa booliska oo amniga ka bilaabaya.”
Guddoomiyaha maxkamadda sare wuxuu sheegay inay wada shaqayn wanaagsan la leeyihiin hay’adaha xuquuqal insaanka ee kala ah guddiga xuquuqal inaanka Somaliland iyo xarun madaxbanaan oo xuquuqal insaanka qaabilsan. “Waxa jira hay’ad la yidhaahdo guddiga xuquuqal isaanka iyo ururo xuquuqal insaanka ka shaqeeya, wada shaqayn joogto ah ayaanu leenahay, dacwadaha way la socdaan.” ayuu yidhi.
Isagoo ka hadlaya Musuq maasuqa wuxuu yidhi “Shalay waxay ahayd maalintii la dagaalnka musuqa, iyadana haddii aanu garsoorka nahay, dad badan ayaa musuq loo xidhay, waanan kala caydhinay wixii musuq ahaa,. qof ku dhaqaaqi kara musuq kama jiraan, dagaal ayaanan la galaynaa, dad badan ayaa u xidhxidhan, xataa hawladeeno shaqaynayay ayaa u xidhan. musuqu wuxuu dilaa dadka, wuxuu dhaawacaaa qalbiga bulshada oou u baabiiyo, waana in lala dagaalamaa.”
Aadan wuxuu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay la dagaalamaan musuqmaasuqa oo uu ku tilmaamay aafo umadaha baabiiya.