Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali ayaa ka hadlay khilaafka soo cusboonayday ee u dhexeeya labada garab ee Xisbiga UCID, waxaanu sheegay in hawlaha Xisbiyada ay qaabilsan yihiin Guddida Diiwaangelintu, balse markii loo soo gudbiyey Dacwad UCID iyo ka Maxkamad ahaan ay wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen, cadaaladana ay ilaaliyeen, oo aanay dhinacna u hiilin, waxaanu tilmaamay inay raaceen heshiiskii labada hinaca iyo sharciga.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa sidoo kale talo u soo jeediyey dhammaan Siyaasiyiinta kala duwan, waxaanu yidhi “Anagu Garsoorka ma hadal badnin, oo sida Siyaasada ma nihin, laakiin wixii u baahan caddeyn ee laga maarmi waayo in aanu caddeyno anaga oo raacayna sharciga iyo xeerka mihnada iyo shaqada aanu hayno ayaanu had iyo jeer sameynaa, waxa jira go’aanka ay Maxkamadu ka gaadhay kiiskii UCID la xidhiidhay,kiiskaasi markii hore wuxuu noogu yimid rafcaan, oo may ahayn dacwad ay Maxkamadu bilawday, marka ay Dacwadu rafcaan noogu timaado, waxaan doonaya inaan halkaas sharaxo, Maxkamada sare dacwado badan baa Rafcaan ku yimaada oo loo soo ambiil qaata, waxay ka yimadaan Maxkamadaha Hargeysa, Gobolka iyo Degmooyinka, kuwa Rafcaanka, Togdheer, Sanaag, Awdal, dhulka oo dhan bay ka yimadaan, marka ay Dacwadu dhamaato Maxkamada sare waa halkii ugu sareeysay,Galka iyo Dacwada waa la celiya, waxa lagu celiyaa Maxkamadii soo bilawday, dabadeed iyadaa fulisa”.
Guddoomiyaha Maxkamada sare mar uu ka hadlayey Dacwada UCID cida u soo gudbisay ayaa yidhi “Marka Dacwada UCID oo kale waxay nagaga timid Guddida Diiwaangelinta, marka waxaanu eegnay xukunkoodii oo laga cabanayey oo rafcaan laga soo qaatay, xukunkoodii baanu wax ka bedelay oo aanu kaabis ku sameeynay, maanu taaban, sidaas aanu Maxkamadaha kale aanu ugu celino waxaanu Galkii u celinay Guddida Diiwaangelinta 5/10/2016,oo soo saxeexay Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta, sababtoo ah iyaga fulinaya,iyaga ilaalinaya, iyaga daba galaya, xukunkaasina koodii buu ahaa ee Maxkamadu wax ka bedel iyo kaabis bay ku sameeysay, marka iyaga laga flayaa inay fuliyaan oo ilaaliyaan, oo garanaya taas, sharci yaqaanada labada dhinac la talinayeyna way garanayaan, marka Maxkamada uma taalo Shirarka Axsaabta, ma diiwaangelino, liisamadooda ma hayno, shirarkooda ma xaadirno, haddii dhibaato ka timaado ma yimadaan, waxaas oo dhami waa shaqada Guddida Diiwaangelinta”.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare isagoo ka hadlaya Xukunkii ay ka soo saareen Xisbiga UCID ayaa yidhi “Xukunkaas markii aanu darsanay waxaanu ku dadaalnay cadaalada, waayo waxaanu eegaynay xeerarka u yaala Wadanka, waxa kale oo aanu eegaynay heshiiskii labada dhinaca ay galeen, maxa ka dhaqan galay, ma wada dhaqan galay, shuruud miyuu lahaa, taa anaga oo ka duulayna waxaanu ku dadaalnay cadalaada, dhinaca kale labada dhinaca wey aqbaleen, wey soo dhaweeyeen, marka in maanta laga daba yimaado may ahayn, Maxkamadduhu had iyo jeer cid ma raaligeliyaan, cidna duulaan kuma aha, cidna kama soo horjeedo, cidna khalad ay sameeysay oo masuuliyaddeeda ka soo bixi weyday ama toban sanno ha ka soo wareegto ama shan sanno ha ka soo wareegto ama afar sanno ha ka soo wareegto masuuliyadda ama shaqadooda ay ka soo bixi waayeen uma qabato,waxa qoran ayuun bay raacda Maxkamaddu, kaas bay ka duusha,markaas kaas baanu ka duulaynay, waxaanu aad ugu dadaalnay in inta awoodayda ah in aanu cadaalad sameeyno, oo aanu cadaalad raacno”.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare mar uu talo u soo jeedinayey dhammaan Siyaasiyiinta ayaa yidhi “Anigoo si guud u hadlaya, oo aan si gaar ah u hadlaynin Siyaasadu wey is badbadashaa, marka had iyo jeer waxaan kula talinayaa Siyaasiyiinta in heshiisyada ay galayaan, ama imika ha galaan ama mustaqbalka ha galaan, ama hore ha u galaan, inay aad uga fiirsadaan, oo dabadeed wixii shuruud ku xiga ansixiyaan, inay xeerarkooda u eegaan, inay xeer 14 eegaan,waayo Siyaasadu ma leh saaxiib joogta ah, waxay leedahay masaaliix is badbadasha, waayo dad maanta is jecel baa bari iska hor imanayaa, marka shayga kaliya ee ku anfacaya waxa weeye in waxaaga si fiican u ilaashato, oo sharci u eegto.”