Guddiga Mihnadlayaasha Qaran Oo Gobolka Maroodijeex Ka Bilaabay Diwaangelinta Mihnadlayaasha Caafimaadka

0
548

Hargeysa (Geeska) -Guddiga mihnadlayaasha caafimaadka ee qaranka NHPC ayaa gobolka Maroodijeex ka bilaabay diwaangelinta mihnadlayaasha caafimaadka gobolka. Guddiga ayaa mudada saddexda maalmood ee fooda inagu soo haysa diwaangelin doonaa shaqaalaha caafimaadka ee ka hawl gala dhakhtarka weyn. Gudoomiyaha guddiga mihnadlayaasha caafimaadka Dr Axmed Xaashi Oday oo ugu horayn diwaangelintaas ka hadlay ayaa yidhi “Runtii waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay maanta inay inoo timaado wakhtigii aynu qiimayn lahayn caafimaadkeena, haddii ay dadka tahay, haddii ay qalabka tahay, haddii ay dawooyinka iyo shaybaadhka tahayba. Waxa weeye gobolada oo dhan waa la soo wada maray, waxaa la soo wada sameeyey diwaangelintii hordhaca ahayd marka dambana iyada oo rasmiya ayaa loo wada gudbayaa, goboladaas waxaa loo tagay oo Hargeysa loo dhaafay, Hargeysi aad ayey u baaxad weyntahay oo kuwa kale waxaa laga yaabay inay maalin kuugu soo dhamaadaan, Hargeysi waxay ku dhamaanaysaa haday ugu yartay shan iyo toban cisho waayo cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaan ugu talo galnay inuu saddex cisho socdo kuwa kalana way ka sii daran yihiin”.

Dr Axmed Xaashi Oday oo ka hadlaayey sababta ay u doorteen inay ku bilaabeen diwaangelinta cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa yidhin “Haddii aanu nahay NHPC waxaanu u qaadanay cisbitaalka guud ee Hargeysa laba arrimood, arrinka koowaad waxa weeye cisbitaalka dawlada ayaa leh oo reer hebel iyo cid uu ku suntan yahay ma jirto, qodobka labaad waxa weeyaan Dr Askar oo aan isagu lahayn meel uu gelinka dambe ku shaqeeyo, qodob saddexaad ayaan ku darayaa. Markaa maanta iyo bari waxaanu bilaabaynaa diwaangelintii cisbitaalka Hargeysa”

Dr Axmed Xaashi Oday ayaa sheegay in nidaamka diwaangelinta mihnadlayaasha caafimaadku uu ka kooban yahay laba qaybood oo kala dadka muwaadiniinta ah iyo ajaanibka xirda leh ee ka hawl gala goobaha caafimaad ee dalka.

Sidooo kale Dr Axmed Xaashi oday gudoomiyaha komishanka mihnadlayaasha caafimaadka ayaa ka sheekeeyey muhiimada ay u leedahay bahda caafimaadka is diwaangelinta ay bilaabeen, waxaanu yidhi “haddii aad u shaqo tagto urur caalamiya baritoole su’aasha ugu horaysa ee lagu waydiinayaa waxa weeyaan xagee ayaad ka soo shaqaysay, dhakhtar ayaan ahay oo jaamacad ayaan ka soo baxay laguugu bilaabi maayo, markaad sheegto meesha aad ka diwaangashan tahay ee magacaaga lagu waydiiyo NHPC-uunbaa internet-ka laga eegaaya oo magacaaga la weydiinayaa, markaa wax fudud ha u qaadanina wax walba maalin ayaa la bilaabaa”

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Dr Axmed Cumar Askar, agaaasimaha guud ee cisbitaalka TB-da iyo xubin ka mida guddiga caafimaadka ee gobolka maroodijeex, waxaanay dhamaantood ka markhaati kaceen muhiimada ay u leedahay guud ahaan bahda caafimaadka diwaangelinta maanta laga bilaabay gobolka Maroodijeex, waxaanay ku tilmaameen hawl si weyn uu dalka ugu baahnaa.