Guddida Wanaag Farista Oo Tartan U Qabatay Dugsiyada Dalka Qaarkood

0
776

Hargeysa (Geeska)-Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa waxa ay tartan u qabteen 36-Dugsi, oo ka mid ah Dugsiyada sare ee dalka. Tartankan oo loogu magaca daray Maskax Maal, ayaa waxa uu gaar u yahay Hablaha Dugsiyadaas dhigta, oo iyagu ku tartami doona maadooyinka kala duwan ee Dugsiyada lagu dhigto, waxaana tartanka shalay lagu daah furay oo tartamay Dugsiyada Gacan Libaax iyo Dayib Guray.

1111111111111

Guddoomiyaha Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdalla, oo isagu halkaas ka hadlay ayaa dardaran iyo dhiirgeilin u soo jeediyey Ardaydii labada Dugsi ka tartamaysay, waxaanu ku dhiirigeliyey inay dedaal iyo karti muujiyaan, isla markaana ku dadaalaan Waxbarahada, gaar ahaan cilmiga diiniga ah iyo quraanka, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay jimciyada khidmadul quraan, oo uu sheegay inay si wanaagsan u wada shaqeeyaan, waxaanu sidoo kale tilmaamay inay abaalmarin wanaagsan siin doonaan Dugsiga guulaysta, isaga oo nasiib wanaagsan u wada rajeeyey dhamman dugsiyada tartanka ka qayb galaya.

Wasiir ku xigeena Ciyaaraha Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Gollis Nimcaan Cabdi Cali iyo  Agaasimaha waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yasiin, oo iyana halkaas ka hadlay ayaa dardaaran iyo wacyigelin u soo jeediyey ardayda tartamaysa, waxayna ugu baaqeen inay si nadiif ah u tartamaan.

Agaasime Xasan Xuseen Cumar oo ka socday jimciyada khidmadul quraan, oo isna furitaankii tartankaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen, ardaydii ay tartanka Quraanka u soo qabteen, waxaanu sharaxaad ka bixiyey tartankan iyo shuruudaha looga baahan yahay, isagoo  ugu baaqay Ardayda inay si nadiif ah u tartamaan, oo Dugsigii laga badiyaa uu ku qanco natiijada.