Guddida Talo-Wadaag Oo U Kuurgashay Xaaladda Abaareed Ee Degmada Sallaxley

0
704

Hargeysa (Geeska) – Guddida guud ee beelwaynta Abokor Muuse (Ciidagale) ee Talo-wadaag ayaa u kuurgashay xaaladaha abaareed ee ka jira deegaano ka tirsan degmada Sallaxley kuwaasi oo ay saameyn ku yeelatay abaarta ku dhufata inta badan dhulka Somaliland.

1

Guddoomiyaha guddida Talo-wadaag Mudane Xasan Yuusuf Ismaaciil oo wefti ka tirsan guddida hoggaaminayay isla markaana u kuurgalayay xaaladda abaareed ee deegaanno ka tirsan degmada Sallaxley, ayaa waxa ay halkaasi kula kulmeen dadkii deegaanka iyo masuuliyiinta deegaanada ay kormeerka ku mareen, iyagoo halkaasi warbixinno kaga dhagaystay dadka ay abaartu sida xun u saameysay.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in biyo la’aan iyo baad la’aan baahsani ay soo foodsaartay deegaanada ay kamid yihiin; Dhimbil-riyaale, Balli-case, Warta Aadan Abokor, Kaamtuug iyo deegaano kale oo hoos yimaada degmada Sallaxley.

Dadka deegaanka ayaa intooda badan ka barakacay deegaanadii ay horay ugu noolaayeen, iyagoo u barakacay jihada galbeed sida deegaanada ka tirsan Dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya iyo galbeedka Somaliland.

Gaajo, Omos, Harraad iyo saxariir ay abaartu sababtay ayay dadku intooda badani la tiicayaan, waxaana deegaanadaasi aad ku arkaysaa bakhtiga xoolaha oo meel walba daadsan, taasi oo ay sababtay abaartu.

Dhinaca kale, guddoomiye Xasan Yuusuf ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland, guddida abaaraha iyo Ganacsatada dalka ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee degmada Sallaxley.

Sidoo kale, dadka deegaanku  waxa kale oo ay sheegeen in ay saameyn ku yeelatay iibkii xoolaha ee dowladda Sucuudigu joojisay.

Ugu dambeyntii, xubnaha guddida Talo-wadaag ee kormeerkan qaybta ahaa ayaa waxa kamid ahaa; Guddoomiyaha Guddida Xasan Yuusuf Ismaaciil, Cabdiweli Axmed Nuur, Cismaan Koosaar iyo Nuur Cabdillaahi Maygaag.