Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Soo Afmeeray Wajigii Koowaad Ee Diiwaangalinta Gobalka Saaxil Iyo Labada Degmo Ee Gabiilay & Baligubadle

0
649

Berbera(Geeska)-Xubno ka socday guddida komishanka qaranka oo ay horkacayaan komishaneer Maxamed Jamac iyo Komishineer Kaltuun Sheekh xasan, xubnaha komishanka qaranka ee gobalaka Saaxil, Maayarka Degmeda Berbera, Gudoomiyaha Gobalka, saddexda xisbi qaran iyo masuuliyiin ka kala socday bulshada qaybaheeda kala duwan oo warsaxaafadeed si wadajir ah ugu qabtay Jaamacada Bada ee Berbera Shalay oo bishu tahy 19/03/2016.

berer

Warsaxaafadeedkan oo daarnaa soo afjaristii wajigii koowaad ee diiwaangalinta gobalka saaaxil iyo labada degmo ee kala ah Gabiilay iyo baligubadle.

Ugu horeen waxa ay guddida Doorashooyinka Qaranka oo uu afkooda ku hadlayay Komishaneer  Maxamed Jaamac Ilaahay uga beryeen in uu ka qaado Alle abaaraha haysta wadanka unna shubo Raxmaad kheer qaba.

Masuuliyiintii goobtaas ka hadlay oo dhamaan soo dhaweeyay sida wanaagsan ee ay ku soo dhamaatay wajigaas kowaad oo mudo todobaad ah si dhameystiran uga socday goobihii loo astaameeyay. Sidoo kale waxa ay masuuliyiintu uga mahad celiyeen shaqaalihii ka hawlgalay diiwaanggalinta iyo intii ku gacan siisay habsami u socodka hawshan baaxada leh.

Mahad naq iyo hoga tusaaleymba ka bacdi waxa labada Komishaneer si waadix ah ugu sheegeen bulshada sida wajiga labaad ee diiwaan galintu  uga sii socondoonto gobalka iyo labada degmaba. Waxayna ku dhiiri galiyeen bulshadu in ay ka faa’iideestaan fursadaas qaaliga ah una soo baxaan is diiwaan galinta.

Gabagabadii waxa si diiran ugu mahad naqay komishanka qaranka iyo shaqaalaha komishankaba maayarka Degmeda Berbera iyo Gudoomiyaha gobalka iyaga oo ku amaanay hanaanka wanaagsan ay hawsha u wadaan, sidoo kalana ku astaameeyay komishan aqoon iyo kartiba u leh hawshan baaxada leh ee ay ummada u hayaan Ilaahayna uga baryay in uu ku guuleysiiyo hawshaas ay hayaan.    Allaa Mahad Leh