Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxay si duuduub ah ku ansixiyeen Miisaaniyad sanadeedka 2017, oo muran badani ka dhashay ansixinteeda.
Miisaaniyaddan oo ah Miisaaniyadii ugu horeeysay taariikhda Somaliland ee iyadoo aan lagu doodin si duuduuba lagu ansixiyo, waxashir gudoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdirraxmaan Cirro), waxa goob joog ahaa 67 Xildhibaan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdirraxmaan Cirro), oo isagu ugu horeyn kal fadhigaas ka hadlay ayaa Xildhibaanada u soo jeediyey inay u codeeyaan in laga doodo ama si duuduub ah lagu ansixiyo, waxaana la isku raacay in aan laga doodin oo si duuduub ah lagu ansixiyo, 43 xildhibaan ayaa iyagu u codeeyey in Miisaaniyadda la ansixiyo, 17 xildhibaan wey diideen 6 xildhibaan wey ka aamuuseen, Guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayeyna ku ansaxday oo ku meel martay Miisaaniyad sannadeedka 2017