Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa ilo-diblumaasiyadeed oo uu xidhiidh la leeyahay ka helay Qoraal ay dowladda Ireland kaga hadashay safarkii ay horraantii bishii Oktoobar 2015kii madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ku tageen dalka Ireland, booqashadaas oo xilligaas ay xukuumadda Somaliland ku sheegtay in ay ahayd mid rasmi ah oo uu madaxweynuhu martiqaad ka helay, ayaa sida qoraalkan ka muuqda waxaa cabasho ka muujiyey dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan ku niyadsamaan in safarkaasi uu u muuqdo mid rasmi ah, arrintaas oo keentay in diblumaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan Kenya oo metelaya dowladdoodu ay la xidhiidheen danjiraha Ireland u fadhiya Kenya Dr.Vincent O’Neil, si ay tafaasiil uga weydiiyaan safarka waftiga Somaliland iyo mawqifka Ireland ee Somaliland.
Qoraalkani waa jawaabtii ay dowladda Irelnad oo soo maraysa Danjire O’Neil ka bixiysay cabashadaas, waxa aanay kaga hadashay Afar qodob oo ku aaddan xidhiidhka Ireland iyo Soomaaliya, mawqifka Ireland ee madaxbannaanida Somaliland, ujeedada safarkii madaxweynaha, nooca martiqaad ee waftiga Somaliland ku tagey Ireland iyo sidoo kale meeqaamka kulankii uu madaxweyne Siilaanyo 6dii Oktoobar magaalada Dublin ee xarunta Ireland kula yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Ireland Michael D. Higgnis.
Ireland waxa ay Soomaaliya u sheegtay in safarkaasi uu ahaa mid ku yimid marti-qaad aqoon-is-weydaarsi oo urur madax bannaani uu madaxweynaha iyo waftigiisa ku casuumay xaruntiisa Ireland, kulamadii madaxweyne Siilaanyo iyo waftigiisu dalkaas ku soo yeesheenna ay dhammaantodo arrintaas uu xidhiidh la’ lahaayeen.
“Ma jiro wax-is-beddel ah oo ku yimid xidhiidhkii siyaasadeed ee Ireland ay la’ lahayd dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”
Ayaa ay dowladda Ireland ku bilowday warkeeda, iyada oo caddaynaysa mawqifkeeda Somaliland ku aadanna waxa ay tidhi, “Marka Somaliland laga hadlayo, Ireland waxa ay si buuxda Midowga Yurub ugala moqif tahay in arrinta Somaliland xal waara lagaga gaadhi karo uun wada xaajood dhex mara maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Xal nabadeed oo la gaadhaana waxa ay dan u tahay dadka Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa Somaliland iyo sidoo kale bulshada caalamka”
Dowladda Ireland oo qoraalkan diblumaasiga ah dowladda Muqdisho ugu sharraxaysa booqashada madaxweyne Siilaanyo iyo meeqaamkeeda ayaa intaas ku sii dartay, “Booqashada ay toddobaadkii hore, Ireland ku yimaaddeen madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisu, ma’ay ahayn mid rasmi ah. Waxa ay ku timid martiqaadkan uu soo saaray urur la-talineed madaxbannaan oo dhinaca diblumaasiyadda ah, ujeeddadiisuna waxa ay ahayd in waftigani ay wax ka bartaan waayo-aragnimada ay Ireland u leedahay nabadaynta iyo xal u helidda khilaafaadka, iyo in la barto dadaalladii nabadaynta ee Somaliland. Dhammaan kulamadii ay waftga (Somaliland) yeesheen intii ay booqashada ku joogeen Ireland xudduntoodu arrintaas ayaa ay diiradda saaraysay”
Ugu dambayntii danjire Dr. Vincent O’Neill waxa uu diblumaasiyiinta Muqdisho ee cabashada gaadhsiiyey qoraalkan ugu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in qoraalkiisu uu jawaab waafi ah u noqdo cabashadooda, waxa aanu ka codsaday in ay warqaddan u sii gudbiyaan Cabdisalaan Hadliye Cumar oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Isaga oo mar kalana qoraalkiisa ku soo xidhay in ay dowladdiisu tixgelinta ugu sarraysa siinayso sii socoshada xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ireland.