Hargeysa (Geeksa)-Qaar ka tirsan dhalinyarada xIsbiga mucaaradka ee Waddani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, isla markaana beeniyey in Guddoomiyihii garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani uu is casilay, kuna biiray Kulmiye, waxaanay tilmaameen in ilaa hadda aanu jirin guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee heer qaran, oo laba bilood kadib Shirweyne lagu doorayno.
Dhalinyaradan oo shalay Shir jaraa’iid ku qabtay magaalada hargeysa, ayaa sidoo kale waxay dhaliilo culus u soo jeediyeen Xukuumadda oo ay ku dhaliileen inay Xisbiyada Mucaaradka ay lacag u adeegsanayso.
Xoghayaha ku meel gaadhka ee garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Maxamed SIdiiq oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Maadama aanu nahay garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani, waxa aanu caddaynaynaa oo aanu bulshada u sheegaynaa, in aanu jirin guddoomiyaha dhalinyarada ee heer qaran, oo xisbiga iska casilay, garabka dhalinyarada ee xisbiga waddani ilaa hadda lama dhisin, waxa lagu jiraa qaban qaabadii Shirweynaha ee dhalinyarada heer Qaran, oo ilaa laba bilood ayaa ka hadhsan tahay, waxaana Inankan is casilay ku jiray Guddida Qaban qabada iyo Qorshaha, oo loo qorsheeyey inay soo qaban qaabiyaan Shirweynaha dhalinyarada heer Qaran, Xisbiga”
Maxamed Sdiiq oo isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “In Xisbi laga baxo oo xisbi kale loo digo rogto waa wax iska caadiya, laakiin waxa ceeb ah in Xil iyo Masuuliyad qofka aan loo igman inuu la wareego iyo inuu guuro, taasna waxa masuuliyadeeda leh Xukuumadda, oo dhabarka taabatay Xubnaha digo rogtay iyada oo Cashuurihii umadda ku bixinaysa sidii Xisbiyada Mucaaradka ku furfuraysa”.
Yoonis Axmed Yoonis, oo isna ka tirsan Dhalinyarada Xisbiga Waddani ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumaddu marba meel ayey ku rafanaysa, oo qofka marka uu dhimanayo meel ayuu ku raftaa, markaas Xukuumaddu waxa ay ku rafanaysaa dhalinyaradii, waxaana leeyahay iska adkaysta maamulkan todoba bilood ayaa u hadhay, oo uu ina dhaafayaye, iyaga ayaa odhan jiray UDUB wey tagaysaa ee ha tahriibna, waxaana anigu leeyahay Kulmiye u tagayaa dalkuna nimci ayuu noqonayaa, ee jooga dhalinyarada, Xisbiga Waddanina waa Xisbiga qudha ee la og yahay inuu bedelayo Maamulkan”.
Filsan Cabdiraxmaan Cilmi, oo iyana halkaas ka hadashay, ayaa waxa hadalkeedii ku bilawday “Waxa aanu halkan ka sheegaynaa oo aanu ka cambaaraynaa Walaalkay Dayib oo sheegtay xil aanu haysan, isaga oo ka mid ahaa dhalinyarada xisbiga, waa sharaf dhaca, waana ayaan daro inuu qofku iska dhigo waa aan loo magacaabin, ee waa inuu sheegta wax loo igmaday, waana khalad in aad sheegato wax aan lagu ogeyn, Xukuumaddanu lacagtii looga baahnaa inay Maskiinta wax ugu qabato ma haboona inay Xisbiyada Mucaaradka u adeegsato, oo dhalinyaradii Wadanka lacag ku soo jiidato, waxaana leeyahay dhalinyarada xukuumaddani wey sii socotaa, warkeedana waa la hayaa oo ay Dhalinyaradii Dalka ka tahriibiisay”.