Ganacsade Midhaha Dalka Ka Baxa Iibiya Oo Ka Waramay Suuqiisa

0
1164

Laasacaanood(Geeska)-Jaamac Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Carwo Qadhaab ayaa si farshaxanimo leh uga warmay midhaha ka baxa dhulka Soomaalida oo uu ku iibiyo suuqyada Laasacaanood, Jaamac  ayaa ku waramay inuu ku  bilaaay midhaha gobka 2014-kii isaga oo haysta lacag aan ka badnayn 1.5 doolar.

Ninkan ayaa haatan sheegay inuu horumar balaadhan ka gaadhay qadhaabka midhaha ee uu iibinaayo, mar uu dhaqaalahiisa ka warmaayay waxa uu sheegay inuu mudo dheer reerkiisa ka biilinaayay carwadan isla markaasna guri hanti ah oo uu ka dhistay uu gabogabo ugu dhaw yahay.

Jaamac Maxamed oo tilifishanka Saab uu ku waraystay Laasacaanood waxa uu ugu horayntii ka hadlay xiligii uu aasaasay carwadan uu la wareegayo oo uu ula baxay Carwo Qadhaab "Waxaan carwadan aasaasay 2014-ka dabayaaqadiisii, waxaan ka aasaasay kiiloo iyo badh gob ah oo xiligaas u dhigmaayay hal doolar iyo badh, markaas Alle mahadi ha ka gaadhee carwadii si fiican ayay u shaqaysay."

Jaamac waxa uu ka hadlay qadhaabkan uu iibiyo "Midhaha Toonka, Gobka, Bardaha, Yicibta Gomoshka,

Ciidka,Dhafaruurta,Xabagtii Cadaad iyo noocyo kale oo aan carwada soo gaadhin oo ay rajaynayso."

Ninkan oo ka hadlaaya goobaha uu ka keeno waxa uu yidhi"waxaan ka keenaa hadba goobtay ka baxaan ee geedkoodu ka bislaado ee gayigeena kutaala iyo gurigeena hooyo ayaan ka keenaa, midhana waa midho hawd midhona waa kuwo nuugaaleed."

Ugu danbaynta waxa uu si faahfaafhsan uga hadlay xidhmooyinka kala roon ee uu macaamiisha ugu talo galay isaga oo labada galin iyo habeenkiiba ku iibiya suuqyada magaalada Laasacaanood"Anaga oo tixgalinayna macaamiishayada jeebkooda,jaaniskooda iyo jeclaysigooda, xidhmada ugu yar waxa la yidhaahdaa madadaalo mar iyo cabaar ah waa qiimo yar, waxa ka saraysa xidhmo la yidhaahdo saaxiib iyo xarun wada fadhi, waxa ka saraysa xidhmo reer oo xaafadaha loo qaato oo caruuruhu ku farxaan, waxaanu diyaarinay xidhmada la safar la socdaal sahay dheerna u qaado, anaga oo tixgalinayna jaaniska,jeebka iyo jeclaanta macmiilkayaga ayaanu intaas oo jaad isku daba dhignay."