Ganacsade Jaadka Keena Lascanod Oo Ka Cawday Cashuuro Uu Sheegay In Maaliyadu Ku Kordhisay

0
729

Picture3Hargeysa(Geeska):-Ganacsade Maxamed Cabdi Caraale(Jabuutaawi), oo Qaadka geeya magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, ayaa cabasho xoogan ka muujiyey lacago cashuuro dheeri ah oo ay wasaarada maaliyadu ku kordhisay Qaadka uu halkaas geeyo, waxaana uu carabka ku dhuftay in wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Marwo.Samsam Cabdi Aadan ay ciidanka qaranka u adeegsatay si ay uga qaado cashuur uu sheegay in ay ka baxsan tahay ta sharciga ah ee ay hore u bixin jireen, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in ay ka reer Laascaanood ahaan arrin qabyaaladeed u arkaan sababta qaadka ka soo dega Kala-baydh loogu kordhin waayey cashuuro dheeri ah halka ka Laascaanood ka soo degana loo saarayo cashuuro aan sharci ahayn.

Ganacsade Maxamed Cabdi Caraale(Jabuutaawi), ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale sheegay in wasiir Samsam ay mas’uul ka tahay khasaaraha hantiyeed ee ka dhasha diyaarad Qaad ah oo ciidamada qaranka Somaliland ay la wareegeen, isaga oo sida oo kalena wax laga xumaado ku tilmaamay in isaga oo ah muwaadin cashuur bixiye ah hadana loo adeegsado ciidamada qaranka ee loogu talo galay in ay la dagaalamaan cadawga Somaliland.

"Waxaan ka cabanayaa wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo.Samsam Cabdi Aadan, waxa weeyaan baarlamaanka Somaliland isaga ayaa ansixiyey cashuurta Somaliland, waxaa uu ansixiyey qaadka Kiinya iyo ka Itoobiya Labadaba oo uu qaadku yahay 1.1 dollar calaa Kiiloo, marwo Samsam si khaldan ayaa wax loogu sheegay, waxay tidhi kiiloogaygii cashuurta baarlamaanka laga qaadi maayee mid aan anigu hada soo saaray ayaan kaa qaadayaa oo 2.2 dollar, waana Labana laab, anigu ganacsade ayaan ahay taasna xaq uma lihi, anigu cashuur bixiye ayaan ahay nin reer Laascaanood ahna waan ahay Madaarka aan qaadka ka soo dejiyo aniga ayaa maal gashaday, aniga ayaana samaystay haddii aan samaysta oo aan ahay muwaadin reer Somaliland ahna, sharciga aan raacayaa waxa weeyaan kii baarlamaanku ansixiyey ee 1.1ka ahaa ee ah sida hadaba laga qaado cashuurta Kala-baydh, aniga oo ah reer Laascaanood iyo ninka reer Hargeysa ah Labadayaduba waxaa aanu nahay Laba nin oo muwaadiniin Somaliland ah xaqna waanu ku wada leenahay jamhuuriyada Somaliland, waliba aniga ayaa kaga xaq badan oo aan waxba la iiqaban, anigu waxaan bixinayaa 1.1 dollarka ah ee laga qaado Kala-baydh, waxaan ogalahay sharciga uu baarlamaanku ansixiyey, laakiin ma qaadi karo cashuur taa baarlamaanka aan ahayn oo dhaaf siisan, awoodna uma hayo."Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Carraale(Jabuutaawi).

Md.Maxamed Cabdi Carraale, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in madaarka Laascaanood oo uu isagu dhistay, sida oo kalena ay kaga baxday lacag aad u badani ay xukuumadu kala wareegtay, waxaana uu ugu baaqay madaxweyne Siilaanyo in uu arrintan uu si deg dag ah u soo dhex-galo.

"Maalin dhaweyd waxa aan ku waa bariistay ciidamada qaranka iyo kuwa booliska Somaliland oo lagu wareejiyey madaarka ay diyaaradii iiga soo degaysay, maxaa dhacay marka aan idhina wasiir Samsam ayaa na soo dirtay ayaa ay yidhaahdeen, aniga oo muwaadin cashuur bixiye ah in ciidankii qaranka ee cadowga ku jahaysnaa in la igu soo jeediyo waxa aan ku mutaystay ma garanaayo, cashuurna maan diidin, tii baarlamaanku ansixiyeyna mid bixinaya ayaan ahay, waxa weeye ciidanka qaranku waxaa ay igala wareegeen madaarkii aan anigu gacantayda ku samaystay, dyaaradii iyo qaadkiiba khasaaraha iyo wax halkaas ka yimina wasiir Samsam ayaa mas'uul ka ah, magaaladana mudaharaadadii ayaa muddo saddex cisho ah hada ka socda, hantidaydiina sidaas ayey ku khasaarisay waana ay igala wareegeen, bulshada reer Laascaanood waxa ay la yaaban yihiin ee ay illaa hada aan aniguna ka yaabanahay waxa weeye waxa cashuurta kalabaydh iyo ta Laancaanood kala qaaliyeysiiyey, anigu waxaan u arkaa in ay tahay mid laygu qabyaaladaynaayo hadaan reer Sool nahay, waxaana aan madaxweynaha leenahay Mudane madaxweyne arrintaas si deg dag ah wax uga qabo.".Ayuu yidhi ganacsade Maxamed Cabdi Carraale.

Dhinaca kale Odey Cismaan Xuseen Gurxan (Kalas) oo isna aanu arrintan aanu wax ka weydiinay ayaa sheegay in aanay arrintaasi ahayn wax la aqbali karo, sida oo kalena ceeb iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in qaadka Kala-baydh iyada oo aan lagu kordhin wax cashuuro ah lagu kordhiyey ka ka soo dega Laascaanood, waxaana uu sida oo kale tibaaxay in ganacsade Jabuutaawi uu yahay nin maal baan ku bixiyey dhismaha madaarka Laascaanood oo xaq iyo xuquuq loogu leeyahay in laga qaado cashuurta ku waajibtay balse aan la xaq loogu lahayn in laga qaado cashuurta ay waajibiyeen goleyaasha sharci dejinta dalka Somaliland.

“Waxaan ka mid ahaa xildhibaanadii xukuumadii Cigaal, hadana ah Odeyaasha Daarood Kilalka Shanaad, Kiiniya, Itoobiya iyo Somaliya oo la ii doortay, arrintaasna waxaan u arkaa arrin dhibaato oo aad u daran, waxaana aan dhibaato u arkaa in la yidhaahdo ganacsiga dalku waa uu kala xidh xidhan yahay oo qaadka ka soo baxa Wajaale Kala-baydh ha galo Garoowe, hadana qaadka Laascaanood soo gaadhaana yaanu tagin Oog, waxa weeye bal eeg waxa la leeyahay qaadka Wajaale ka soo baxa waa Hal dollar ka Laascaanoodna waa Saddex dollar, anigu waxa aan u arkaa waa ceeb lama filaan ah oo dalka waxyeelaysa, wasiirada waxaan leeyahay haddii Qaadka ka soo baxa aad gaynayso Boosaaso, ka Laascaanood ka soo degaana aanu Oog imanayn, waxaa aan leeyahay ka daaya sidaas, xukuumada Siilaanyana ugama dulqaadanayno mana yeelayno, in qaadka ka soo dega meesha la yidhaahdo miirooga Laascaanood  ma gaadhayo Oog yacnii waa gidaarkii Falastiin oo kale. Waxa weeyaan Jabuutaawi adeer ayaan u ahay waa nin ganacsade ah, maal badan ayaa uu ku bixiyey dhisida madaarka, xaq waxa aan loogu lahayn waxa weeyaan in laga qaado cashuur aan ku waajibin oo dheeri ah”.Ayuu yidh Cismaan Gurxan Kalas.