Hargeysa(Geeska) Ayaan Xasan, oo ah kalkaaliso caafimaad ah oo wax ku baratay dalka Sweden, ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Daryeelka Howlgalka Caafimaadka oo ah abaalmarin caalami ah kadib markii ay muddo siddeed sano ah tababaro caafimaad siisay umulisooyinka ka hawlgala isbitaalada magaalada Gabiley ee Somaliland.
Ayaan, oo waraysi siisay BBC Somali, ayaa sheegtay in siddeedii sano ee la soo dhaafay ay sannad kasta muddo hal bil ah ku sugnaan jirtay Somaliland si ay si mutadawacnimo ah tababaro ugu siiso umulisooyinka, isla markaana ay door uga ciyaarto badbaadinta hooyada iyo dhalaanka ee Gabilay.
“Abaalmarinta waxaa la igu siiyey shaqadii is-xilqaanka ahayd ee aan isku xilqaamay, si aan hooyooyinka isku dhimanaya xilliga foosha u badbaadiyo, cilmigeediina aan ugu gudbiyo umulisooyinka, dhaqaatiirka iyo kalkaaliyaasha ka shaqeeya qaybta hooyada iyo dhallaanka,” ayey tidhi Ayaan.
Hay’adda abaalmarinta bixisay ayaa sidoo kale Ayaan ku maamusay $3,000 (saddex kun oo dollar), lacagtaasoo ay sheegtay in ay dharka shaqada ugu iibin doonto umulisooyinka ka hawlgala isbitaalada magaalada Gabiley, si ay ugu dhiirrigeliso shaqadooda.
“Lacagtaas waxaan go’aansaday in aan kaga farxiyo gabdhaha umulisooyinka ee gobolka Gabiley, oo aan ka caawiyo dharka shaqada. Sidaas darteed, iyaga ayaan u hibeynayaa,” ayey tidhi.
Waxay sheegtay in markii ugu horreysay ay la soo xidhiidhay maayarkii hore ee Gabiley, Maxamed Amiin, isla markaana ay u bandhigtay qorshe ay si bilaash ah wax ugu barayso hablaha umulisooyinka ah, halka dawladda hoose ee Gabiley-na ay siisay goob ay degto. Tan iyo markaas, siddeed sano oo ay hawshan waday, hablaha ay tababartay ayaa hadda wax ka dhiga jaamacado, waxayna kaalin weyn ka qaateen badbaadada hooyada iyo dhallaanka.
Dumarka ka shaqeeya caafimaadka Somaliland ayaa 20-kii sano ee u dambeeyay sameeyay isbeddel muuqda oo la taaban karo, gaar ahaan badbaadinta hooyada iyo dhallaanka. Edna Adan Ismaaciil, oo ah umuliso caan ah, ayaa iyaduna abaalmarin caalami ah ku heshay waxqabadkeeda caafimaadka ee Somaliland.