Fuaad Aadan Cadde Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa

0
702

Picture6

Hargeysa(Geeska) :-Alle ha u naxariistee waxaa shalay magaalada Hargeysa aas qaran loogu sameeyey Marxuum Fu’aad Aadan Cadde oo dalka Turkiga ugu geeriyooday xanuun muddooyinkii danbe hayey.

Waxaana aaskan qaran ka soo qeyb-galay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddoomiyaha golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro, guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, xildhibaano, wasiiro, madaxda xisbiyada qaranka, madax-dhaqameed, ganacsato, dhalinyar iyo dad weyne kale oo aad u tira badan, iyaga oo dhammaantoodna Alleh uga baryey Marxuumka in uu jannatul Fardawsa ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba ummada Somaliland ee uu ka baxay.

Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu horeyn dhambaal tacsi ah u diraya ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, ayaa waxaa marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo aad ugu dhiiranaa wadaniyadda.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illeyhi raajicuun Fu’aad Aadan Cadde naxariistiisii jannatul Fardawsa Illaahay ka waraabiyo, ehelkii, qoyskii iyo dhammaanba qaranka Somaliland Alleh samir iyo iimaan ha ka siiyo, waxaa uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan, wadani ah, dhiiran oo aad iyo aad u fiican e’ waxaan leenahay naxariistiisii jannatul Fardawsa Illaahay ha ka waraabiyo, kuligeenna Illaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday.”.Ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddoomiyaha golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Fu’aad Aadan Cadde isaga oo sida oo kalna marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa geesi ka baxay qaranka Somaliland.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illeyhi raajicuun, waxaan shacbiga Somaliland dhammaantii aan ka tacsiyadaynayaa, gaar ahaan ehelkiisii, xaasaskii, qaraabadii geeridii naxdinta lahayd eek u timi Alleh ha u naxariistii Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, oo ahaa geesi qaran oo shacbiga Somaliland ay codkiisa iyo aragiisaba jeclaayeen, isaga Illaahay ha u naxariisto, dembi dhaafna ha siiyo jannatul Fardawsana ha ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha innaga siiyo”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaas tacsi u diray eheladii Marxuumka ayaa dhankiisa waxaa uu Marxuumka ku tilmaamay in uu ahaa nin ay ku weyn tahay Somaliland-nimadu.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illeyhi raajicuun, maanta waxaan joogna aaskii Fu’aad Aadan Cadde Illaahay ha u naxariisto, qoyskiisina Illaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo, halkii uu ka baxayna Illaahay cawil khayr qaba ha ugu bedelo, Fu’aad Aadan Cadde iyo rag kale oo badanba waxaa ay ahaayeen calaamadaha ama tiirarka Somaliland lagu garto ayey ahaayeen, yacnii waxaa ay ahaayeen dadkii Somaliland u soo maray halgan aanay cidina u soo marin, Fu’aad Aadan Cadde qaranimada Somaliland waxa uu ka yeelay nina kama yeelin”.Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Alleh ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde oo hada ahaa la taliyahii madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha bariga, sida oo kalena xilal kala duwan oo wasiirnimo ahna ka soo qabtay xukuumaddii Ra’yaale , ayaa sida oo kale kaalin buuxda ka soo qaatay nabadaynta Somaliland iyo degenaanshaha gobollada bariga Somaliland ee uu ka soo jeeday, waxaana lagu sifeeyay shakhsi ku dhac leh oo hadal cad.

Innaa Lillaahi wa innaa Illeyhi raajicuun, bahda wargeyska Geeska Afrikana, waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelkii, qaraabadii iyo dhammaanba bulshada Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxaana ay Illaahay uga baryeyaan in uu naxariistiisii jannatul Fardawsa uu ka waraabiyo.