Faysal Oo Maanta Qabanaya Shirkii UCID Iyo Jamaal Oo Ka Noqday Shirkii Uu Hore U Joojiyay

0
514

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga UCID ayaa laba shir oo kala duwan maanta ku qabsanaya magaalada Hargeysa.

1

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa shalay ku dhawaaqay in shirku maanta furmi doono ka dib markii uu qaatay kaadhkiisa  ergada golaha dhexe, waxaanu sheegay in shirkan loo qabanayo iyadoo la fulinayo amarkii maxkamadda sare ee ahaa in 60 maalmood gudahood lagu qabto shir aan caadi ahayn oo uu xisbigu yeesho. Faysal waxa hareerihiisaa taagnaa guddoomiyayaasha gobalada ee xisbiga UCID oo ergada ugu baaqay inay shirkaas ka soo qayb galaan.

Maalinta koowaad waxa shirka go’aan lagaga gaadhi doonaa heshiiskii uu xisbiga UCID la galay garabkii Jamaal Cali Xuseen oo ay ku jirto ansixinta murashaxanimada madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen. Maalinta labaad ayaa shirka lagu gudo-geli doonaa wixii shirka maanta ka soo baxa, waxaana la saadaalinayaa in maalintan labaad ergadu Faysal Cali Waraabe ugu dooran doonto murashaxa madaxweyne ee xisbiga u meteli doona doorashooyinka 2017.

Garabka kale ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay maanta qabsanayaan shir kale. Murashixii madaxweyne ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in iyadoo la fulinayo amarkii maxkamadda sare ay qabanayaan shir lagu ansixin doono heshiiskii garakii uu hoggaaminayay ay la galeen xisbiga UCID oo ay ugu muhiimsantahay murashaxnimada madaxweyne ee Jamaal.

Labadan shir ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay guddiga diiwaangelintu labada dhinacba ku amartay inaanay qaban karin wax shir ah, lamana hayo ilaa hadda hadal ka dambeeyay amarkaa guddiga diiwaangelinta oo ay guddigu mar kale soo saartay.