Faysal Cali Waraabe Oo Wasiirka Hawlaha Guud Ku Tilmaamay Budhcad Wasiir Noqday Oo Aan U Qalmin Xilka Qaranka

0
963

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa wasiirka hawlaha guud Mr. Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) ku eedeeyay inuu yahay budhcad wasiir noqday oo aan u qalmin xilka wasiirnimo ee qaranka.

Md. Faysal oo hadal u jeediyay taageerayaasha xisbiga UCID, wuxuu sheegay in Wasiirka hawlaha guud laga furfuri kari waayay beer ay duleedka madaarka Hargeysa ku leeyihiin qoyska caanka ah ee Reer Saleban Bide oo uu xataa madaxweyne Siilaanyo digreeto ugu saxeexay, “Walaalayaal Abwaankeenii Axmed Saleban Bide, waxa jira dhul uu leeyahay oo ah beertii aabihii oo madaxweynuhu digreeto u qoray oo haddana laga furfuri kari la’ayahay Wasiirka hawlaha guud, aniga iyo Suldaan Maxamed ayuu na dirtay waanu ka soo saari weynay ninkaas beertii, markaas waa budhcad wasiir noqday. Budhcad miidhan ayaa wasaaradihii fadhiya, waxaanu annagu keenaynaa dad mutacalimiin ah oo xishooda oo aan islaanta tamaandha iibinaysa cashuurteeda ka qayilin.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Hadalkan Faysal ayaa jawaab u ah eeddo uu wasiirka hawlaha guud u jeediyay Faysal Cali Waraabe oo ah inuu Faysal dhawr goor ugu tagay dhul ku yaala duleedka madaarka Hargeysa oo uu doonayo, waxa kale oo uu ku eedeeyay hoggaamiyaha UCID inuu iibsaday dhul uu madaxweynuhu siiyay.

Faysal, ayaa hore u soo bandhigay dacwad ay bulshada reer Awal u dhiibeen oo ahayd inay khaatiyaan ka joogaan wasiirkan hawlaha guud oo ay sheegeen inuu iibiyay gurigii badhasaabka gobalka Awdal.